Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada islaamiga ah ee Afghanistan ayaa saacadihii lasoo dhaafaya fuliyay silsilado weerarro ah oo ay ku qaadeen Maleeshiyaadka Maamulka daba dhilifka ah ee Kaabuul.
Sida lagu daabacay barta internet-ka ee Imaarada islaamiga ah ee Afghanistan, Ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta ayaa  duhurnimadii shalay oo Axad aheyd waxay weerareen Mandiqadda lagu magacaabo Jaar-Qalcah ee hoos-tagta Gobolka Meydaan Wardak ee bartamaha Dalka Afghanisan, iyadoona weerarkaasi ay Mujaahidiintu ku dileen Afar Askari, sidoo kalena ku bur buriyeen Seddax gaari oo nooca gaashmaan ah.
Weerar kale oo ka dhacay isla deegaan hoos yimaada Gobolka Meydaan Wardak ayay Mujaahidiintu waxay ku dileen Afar ka tirsan Maleeshiyaatka daba dhilifyada ah, waxayna Mujaahidiintu soo ghaniimeysteen hub iyo saanad kale oo Ciidan oo Cadowgu ay lahaayeen.
Gobolka Khost ee dhaca bariga Dalka Afghanisan-na, Mujaahidiintu waxay Miino dhuka lagu aasay ku bur buriyeen gaari uu noociisu yahay Ringer oo ay la socdeen Maleeshiyaadka daba dhilifyada, kaas oo marayay Waddada isku xirta Gobollada Khost iyo Kaabuul, waxaana qaraxaasi ku dhintay ugu yaraan hal Askari.
Howl-gal kale oo ka dhacay isla gobolka Khost, waxay Mujaahidiintu ku bur-buriyeen gaari uu noociisu ahaa Carola, kaasi oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Sirdoonka, iyadoona weerarkaasi oo loo adeegsaday Miino dhulka lagu aasay ay ku nafwaayeen Seddax Askari.
Tan iyo intii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan, Mujaahidiinta Imaarada islaamiga ah waxay sii dar dar geliyeen howl-gallada meliteri ee ay ka fuliyaan guud ahaan Wadanka, iyadoona howl-galladani ay qeyb ka yihiin Xamlada loogu magac daray Al-Cumariyah ee Imaaradu ay ku dhawaaqday horraantii Sanadkan.