Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa habeenkii xalay waxey weerar ku qaadeen mid ka mid ah fariisimaha maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ay ka sameysteen degmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho.
Fariisinka sida gaarka ah ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin u weerareen ayaa ah warshadii hore ee Mutuleelka taasi oo fariisin u ah maleeshiyaatka dowlada federaalka.
Dagaalka oo dhacay kadib dukashadii salaada cishaha waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan’iyadoona xarunta la weeraray ay ku dhawdahay xeradii hore ee Maslax oo fariisin u ah ciidamada Kufaarta Afrikaanta.
Si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha maleeshiyaatka Ridada federaalka kasoo gaartay dagaalka’ balse dagaalkan waxa uu kusoo aadayaa xilli galinkii dambe ee shalay bam gacmeed lagu weeraray maleeshiyaatka murtadiinta ee ku sugan warshadii hore ee Nacnaca oo iyaduna ku taala degmada Hilwaa ee magaaladan Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somali.