Wararka ka imaanaya dalka Urdun ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay weerar khasaara dhaliyay uu ka dhacay qeybo ka mid ah dalkaasi.
Weerarka waxa uu sigaar ah kaga dhacay magaalada Al-karaka oo ah magaalo dhacda dhanka Konfureed ee dalka Urudun’iyadoona dagaalkan uu dhexmaray rag hubeysan iyo ciidamada amniga dowlada daba dhilifka Urdun.
Wararkii ugu dambeeyay ee weerarka ayaa sheegaya in weerarkaasi oo ay fuliyeen afar ruux oo hubeysan lagu dilay ilaa iyo toban ruux oo kala ah 7 askari oo Boolis ah’Haweeney Kanadyahan ah iyo labo ruux kale oo u dhashay dalka Urdun.
Saraakiil ka tirsan dowlada Urdun ayaa sheegay in ciidamada amaanka dowladaasi ay dileen raggii hubeysnaay ee weerarka fuliyay’mana jirto ilaa iyo imika cid sheegatay mas’uuliyada weerarkaasi.
Calamada.com