War rasmi ah oo kasoo baxay Afhayeenka ciidanka Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu beeniyay in Mareykanku 150 dagaalyahan oo mujaahidiinta katirsan ku dileen duqeyn ka dhacday Soomaaliya.
Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab oo khadka taleefanka kula hadlay Telefeshinka Aljazeera qeybta Englishka ayaa sheegay in duqeyn ay dhacday balse aan laga dilin tirada Mareykanku sheegtay.
Shabaabul Mujaahidiin ayaa riyo maalmeed ku tilmaantay warka kasoo yeeray dowladda Mareykanka ee ahaa in 150 askari ay ka dileen Mujaahidiinta.
“Amerikaanku riyo ayey ku jiraan, weligeen cadad intaas la eg oo ciidankeena ah ma isugu keenin mana ku kulminin hal meel, waan ka warqabnaa xaaladda amaanka” ayuu yiri Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab, Afayeenka ciidanka MujaahidiintaAlShabaab oo la hadlay TV-ga AlJazeera.
War xalay kasoo baxay wasaaradda G/dhigga Mareykanka ayay ku sheegtay in wax ka badan 100 dagaalyahan oo shabaabul Mujaahidiin katirsan ay ku dileen duqeynta balse sheegashadaasi ayaa durbadiiba beenowday.
Calamada.com
Xasbuna laahu wanicmal wakiil
Ayeynu oraneynaaa
allah subxaana watacaalaa aya mahadsan marka hore inaga dhingay dad muslimiin ah hadana nagaransiiiyey cadowgeena .inta gadib waxanleyhy marekan waad gubantonta hadaadan fara kala bixinvmuslmiinta gaar ahan mujahideenta caalamka qaasatan mukjahidenta somaliya .mujaahid madaalo intay gaalo joogto