Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in habeenkii xalay gudaha magaaaladaasi lagu dilay xildhibaan ka tirsanaay golaha deegaanka maamulka gaala raaca Puntland.
Dilka xildhibaanka golaha deegaanka waxa uu sigaar ah kaga dhacay dhanka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo’iyadoona dilka ay geysteen rag hubeysan oo dilka kadib goobta si nabad ah kaga baxsaday.
Xildhibaanka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Saciid Xeyle’goobta lagu dilay waxaa soo gaaray maleeshiyaatka maamulka dowlada Kufriga Xabashida Itoobiya dhisatay ee Puntland kuwaasi oo ugu dambeyntii meydkiisa goobta ka qaaday.
Waa mas’uulkii labaad oo gudaha magaalada Gaalkacyo looga dilay maamulka Puntland tan iyo markii la guda galay bisha Barakeysan ee Ramadaan’iyadoona dhowr habeen ka hor ay aheed markii ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin gudaha magaaladaasi ay ku dileen Cabdullaahi Muxamed oo ku magac dheeraa Tawa-tawe kaasi oo ahaa Agaasimaha waasaarada Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ee dhanka gobalka Mudug ee maamulka Murtad Cabdi Wali Gaas.
Calamada.com