Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Sawirro
  • Muxaadarooyin
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • 2017 Wuxuu Ahaa Sanadkii Ugu Khasaaraha Badnaa Marayknaka. (Akhris+Dhagayso)
  • Allposts
  • Warar

2017 Wuxuu Ahaa Sanadkii Ugu Khasaaraha Badnaa Marayknaka. (Akhris+Dhagayso)

December 23, 2017

Wargeyska The Atlantic ee kasoo baxa dalka Maraykanka ayaa qoray warbixin cusub oo uu kaga sheekeynayo dhaqaalaha Maraykanka uu ku waayay musiibooyinkii Rabaaniga ee sanadkan dhamaadka ah ku dhuftay dalka Maraykanka.

Wargeyska oo soo xiganaya Aqoonyahanno ku takhasusey arimaha dhaqaalaha ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Maraykanka ay kamid tahay dowladaha waxyeellada ugu badan uu sanadkan 2017 kasoo gaaray waxa loogu yeero isbedelka cimilada ee saameeyey caalamka.

Wuxuu wargeysku intaas ku darayaa in dowladda Maraykanka ay musiibooyinkaas ku bixisay hanti dhowr ku jibaaran kuwii kaga baxay musiibooyinkii sanado hore iyo waayadii hore ku dhuftay Maraykanka.

Qaar kamid ah musiibooyinka ku dhuftay Maraykanka sanadkan miilaadiga ah ee dhamaadka ah ayuu wargeysku soo bandhigay waxaana musiibooyinkaas kamid ah daadadkii ku dhuftay gobollada Texas iyo Florida, dabeylihii burburiyay gobollada Verginia iyo Puerto Reco, iyo dabkii gobollada Montana iyo Oregon u bedelay bacaad lama degaan ah.

Musiibooyinkan waxay keeneen in magaalooyin badan ay gebi ahaanba baaba’aan una ekaadaan meel  bahal galeyn ah, waxaana hantidadan baaba’day ka daran dib u dhiska magaalooyinkaas oo Maraykanka uga baxay aduun lacageed oo farabadan.

Wargeyska Atlantic wuxuu sheegayaa in marka laga soo tago khasaaraha maaliyadeed ee musiibooyinkaas ay geysteen uu jiro khasaare nafeed, sida ka dhacdayba magaalada SanFaransicko iyo kuwa kale.

Hay’ad maxalli ah oo fadhigeedu yahay Maraykanka ayaa si faafaahsan uga sheekeysay khasaaraha kala duwan ee musiibooyinkan rabaaniga ah ee uu Alle ku salladay Maraykanka gaar ahaan dabeylaha oo keliya uu ku reebay dowladda Marayknaka, waxayna sheegtay in marka laga hadlo hantida caadiga ee kaashka ah ee ku khasaaray dabeylaha ay gaareyso 40 Bilyan oo dollar, hantida maguurtada ah ee burburteyna waxay ku fadhisaa aduun lacageed oo gaareysa 55 bilyan oo dollar.

Waxaa xusid mudan in musiibooyinka kale sida duufaannada iyo dabka kacay ay iyaguna sababeen khasaare intaas la eg ama kabadan, sida wargeysku sheegayo.

Duufaannadii loogu magacdaray Iirma iyo Hervy ayuu sheegayaa wargeysku ineysan geysan khasaarihii la filayay, balse waxay dowladda ku qasbantahay iney dhisto dhamaan  guryihii ku burburay duufannadaas, waxaana hadda Maraykanka qaali ka ah kirada guryaha sida uu sheegayo wargeysku.

Gobollada Florida iyo Texas oo keliya wuxuu gaarayaa khasaaraha ka dhashey musiibooyinka aduun lacageed oo dhan 131 bilyan oo dollar.

Dabka ka kacay gobollka Clofornia ayaa sababay khasaaraha hanti gaareysa 9.4 bilyan, waxaana si xun ugu dhintay 41 ruux, wuxuuna dabkaas ahaa kii ugu xumaa uguna burbur badnaa inta la xusuusto taariikhda gobolka Clifornia.

Arinta ugu adag ee hadda hortaagan Maraykanka, dhaqaale badana ku baxaya waxay tahay sidii loo dhisi lahaa wixii burburay, oo ay ku jiraan buundooyin waaweyn oo aysan sahlaneyn in si deg deg ah loo dhiso.

Waxaa sidoo kale dowladda Maraykanka maareyn ka raba qoysaska ku hanti beelay musiibooyinkan, kuwaas oo ciida kabadan, waxayna arimahan oo idil imaanayaan iyadoo dhaqaale la’aan baahsan ay ka jirto wadamada Yurub iyo Maraykanka, waxaana shacabka Maraykanka u dheer in taladooda uu hayo hogaamiye waalan oo khamriga istaag ka caba.

Halkan ka dhagayso Warbixn_Khasaaraha_Marayknka_iyo_Musiibooyinka sanadka 2017

Continue Reading

Previous: Dad Shacab Ah Iyo Askarta Kenya Oo Ku Dagaalamay Degmada Beledxaawo.
Next: Qarax Gaari Gaashaaman Lagu Gubay Oo Muqdisho Ka Dhacay.

Related Stories

Dagaal U Dhaxeeya Somaliland Iyo Puntland Oo Ka Dhacay Sool.
  • Allposts
  • Warar

Dagaal U Dhaxeeya Somaliland Iyo Puntland Oo Ka Dhacay Sool.

November 22, 2022
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -28-4-1444-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -28-4-1444-Hijri

November 22, 2022
Daawo Gudoomiyaha Odayaasha Sh/dhexe Oo Sheegay In Bulshada Gobalka Si Buuxda U Qaateen Fatwadii Culimada.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal
  • Warar

Daawo Gudoomiyaha Odayaasha Sh/dhexe Oo Sheegay In Bulshada Gobalka Si Buuxda U Qaateen Fatwadii Culimada.

November 21, 2022

Sawirro

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.

November 21, 2022
Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.

November 17, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 16, 2022
Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 15, 2022
Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.

November 14, 2022
Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.

November 13, 2022
Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.

November 12, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 12, 2022
Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.

November 12, 2022
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.

November 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 10, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 9, 2022
Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 8, 2022
Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.

November 8, 2022
Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)

November 7, 2022
Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.

October 26, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.