Degmada Cabudwaaq ee gobalka Galgaduud waxaa galinkii dambe ee maanta lagu dilay afar ruux oo shacab ah’iyadoona warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan dilalkaasi.
Saddex ka mid ah dadka la dilay hal goob ayaa lagu dilay’waxaana dilkaasi geystay nin hubeysan oo cabsan kaasi oo dadkaasi rasaas ooda kaga qaaday.
Sidoo kale ruux afaraad ayaa lagu dilay gudaha degmada Cabudwaaq kaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdi Wali Mucalim Cumar’goob joogayaal ayaa sheegay in ruuxa afaraad aano qabiil loo dilay.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in caawa xiisad colaadeed ay ka taagantahay degmada Cabudwaaq ee gobalka Galgaduud’iyadoona dadka shacabka ay muujinayaan cabsi ku aadan in dagaal beeleed ka qarxo degmadaasi.
Calamada.com