Akhriso+Sawiro Warbixin Ka Hadleysa Filimka Al-kataa’ib.

Mu’asasada Alkataa’ib garabka warbaahineed ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay baahisay filim cajiib ah oo ay ku soo bandhigeyso weerarada dilalka qorsheysan ah iyo qaraxyada ee ciidamadooda gaarka ah ee amniga ay ka wadaan magaalada Muqdisho iyo gobolka Sh/hoose.

Filimkan oo loo diyaariyey qaab xirfadeysan oo heer sare ah ayaa lagu soo gudbinayaa dhinac ka mid ah howlgallada Guutada Amniga ee Al-Shabaab ee loo yaqaano Maxamed Bin Maslama ee beegsada saraakiisha iyo madaxda dowladda Federalka.

Ugu horreyn waxaa filimka lagu daah furayaa dhoolatus cajiib ah iyo tababarro ay sameynayaan ciidamada gaarka ah ee Amniyaatka kuwaas oo ku tababaranaya Mucaskar gaar ah oo aanan la sheegin halka uu ku yaallo.

Kadib wuxuu filimku soo bandhigayaa howlgallo gaar ah oo dagaalyahannada Al-Shabaab ay ka fulinayaan gudaha caasimadda kuwaas oo u badan dilal qorsheysan oo lagu beegsanayo Saraakiil ciidan, Ergooyinka soo xulay xildhibaanada iyo shaqaale ka tirsan dowlada federalka.

Sidoo kale waxaa filimka lagu soo bandhigayaa silsillado qaraxyo ah oo badankood lala beegsanayo ciidamada AMISOM ee ku sugan wadanka, waxaana muuqaalka lagu daawan karaa gaadiidka gaashaaman ee shisheeyaha oo bool bool u kala faniinaya.

Muuqaalka ay baahisay Al-kataa’ib waxaa sidoo kale lagu soo bandhigayaa qarax xoogan oo bishii Maarso ee sanadkan lagu dilay xildhibaanno ka tirsan maamulada HiirShabelle iyo Koonfurgalbeed kaas oo ka dhacay Sh/hoose.

Qaraxan ayaa lagu dilay Xildhibaan C/Qaadir Baraf oo ahaa waziiru dowlihii amniga ee koonfur galbeed, sidoo kalena ahaa xildhibaan ka tirsan maamulkaas, iyo xildhibaan kale oo lagu magacaabo Axmad Cabdi Faarax Kaboweyne oo ka tirsanaa baarlamaanka HiirShabelle.

Waxaa muuqaalka lagu arkayaa gaariga ay la socdeen xildhibaanada oo bool bool u kala faniinaya ka dib markii uu qaraxu qabsaday.

Inkastoo gaariga la rumeysan yahay inuu ahaa kuwa aanu xabada karin, hadana markii uu qaraxu qabsaday gabi ahaantiiba wuu burburay sida muuqaalka lagu arkayo.

Halkan Hoose Ka Eeg Sawirada.














3 Comments
  1. sheek xasan TURKI says

    Kdib filimka ALkataaib xarakada waxeey heshey RAG CULUS.murtadiinta waa in la laayaa

  2. GGGG says

    WAXAAN LAYAABEY SIDEEY MUJAAHIDIINTA U DILI KA RARAAN CABDIQAADIR AFLOW ILAALAA KA HOREYSEY

  3. SAYFULLAH says

    Allaahu Akbar
    waa filim xiiso gaara xambaarsan waana filim laga daaleynin daawashadiisa.
    Runtii filimkaan wuxuu murtadiinta Ku abuuray arga-gax weyn.
    horayba murtadiinta waxay Ku jireen Cabsi iyo qal-qal amni.
    Hadana waxaa taa kadaran in lasoo doobay ayagoo latooganayo!.
    tanna waxay gaaladu iyo gaala raacda Ku abuuraysaa cabsi aad uwayn . mar hadii saxiibadoodii ayagoo maqaaxiyadaha fadhiya la tooganayo iyo kuwa ayagoo gaarigoda gaashaaman fuula ay jaxiimadu lataktay.
    Filimka wuxuu kaloo firiin adag udirayaa murtadiinta oo ah inay usoo toobad Keenaan allaah adii kalena ay maridiinaa wadadii ay mareen kuwii iyaga ka horeeyey oo ah in uu allaah Ku cadaabi doono gacmaha mujaahidiinta muwaxidiinta ah.
    waxana allaah ka baryenaa inu mujaahidiinta guuleeyo.
    sido kele walaalaha mu’assasada AL-KATAIB allaaha barakeeyo howsha adak ay uhayaan muslimiinta.

Comments are closed.