Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Duruus
  • Sawirro
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Akhriso Dowlada Kenya Oo Qiratay In Askar Looga Laayay Lamu.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Dowlada Kenya Oo Qiratay In Askar Looga Laayay Lamu.

November 30, 2017

Saraakiil u hadashay dowlada saliibiyada ah ee Kenya ayaa xaqiijiyey in laba askari lagu dilay, saddex kalena lagu dhaawacay weerar kamiin ah oo dhawaan ciidamada Mujaahidiinta ay u dhigeen kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya xilli ay marayeen wadada halbowlaha ah ee isku xirta magaalooyinka Lamu iyo Malindi.

Larry Kiyenga oo ah taliyaha Police-ka ee gobolka xeebta ayaa sheegay in ciidamada loo dhigay weerar dhabagal ah xilli ay galbinayeen shan gaari oo basas ah oo ka soo ambabaxay magaalada Lamu kuna sii jeeday magaalada Mombasa.

Sarkaalkan ayaa sheegay in laba askari lagu dilay weerarkaas, laguna dhaawacay saddex kale. Wuxuu intaas ku daray in weerar kale oo dhabagal ah lala eegtay ciidamo ka tirsan guutada GSU oo gurmad ahaan u soo aaday halka uu weerarku ka dhacay.

Wuxuu sheegay in askar dhowr ah laga dhaawacay, kuna baxsadeen si dirqi ah ka dib markii ay ku dhaceen weerar gaadma ah.

Dadka deegaanka ayaa wargeyska daily Nation u sheegay in diyaarado Hilicopters ah oo ay leeyihiin ciidamada Kenya ay maalintii oo dhan dul heebaabayeen hawada goobta uu weerarku ka dhacay balse ragga weerarka fuliyey ay si nabad ah kaga baxsadeen goobta.

Wargeyskan ayaa sidoo kale sheegay in Mujaahidiintu ay gacanta ku dhigeen gaadiidkii basaska ah ee ay galbinayeen ciidanka ka dib markii ay ciidamadu kala firxadeen balse wuxuu sheegay in aanan wax dhibaato ah la gaarsiinin dadkii rakaabka ahaa maadama ay dhamaantood ahaayeen dadka Muslimiin ee ka soo jeeda gobolka xeebta.

“Dagaalyahanadu waxay wateen darees military, waxay dadku u qeybiyeen warqado yaryar, wax dhibaato ahna uma geysan” ayuu yiri wargeyska.

Qof ka mid ah rakaabka oo la hadlay wargeyska daily Nation ayaa sheegay in dagaalyahanada mujaahidiinta ay gudaha u soo galeen basas, lana sheekeysteen dadka, ka dibna ay qeybiyeen warqado yaryar oo ay ku qoran yihiin qoraallo kooban.

“Gaari Police-ka ee na galbinayey masaafo ayuu naga dambeeyey, Baskeena ayey markii hore joojiyeen. Waxaan arkay laba iyaga ka mid ah, aad bey u hubeysnaayeen, iskuna qarinayeen. Gaariga ayey soo galeen, ka dibna weyna baareen ka hor inta aysan warqadaha noo qeybin” sidaas waxaa yiri mid ka mid ah goobjoogeyaasha u waramay wargeyska.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Ka dib wey ka soo dageen gaarigeena, ka dibna waxay aadeen dhanka gaadiidkii naga dambeeyey, markaas ayeyna ahayd markii aan maqalnay rasaas xoogan oo marqura bilaabatay” ayuu yiri.

Ilo wareedyo ka tirsan police-ka gobolka oo uu soo xiganayo wargeyskan ayaa sidoo kale tilmaamaya in la la’yahay laba askari oo dheeraad ah kuwaas oo loo maleynayo in ay maxaabiis ahaan u wateen Mujaahidiinta intii lagu gudajiray weerarka.

Weerarkan wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan ciidamada military-ga Kenya ay aad u hadal hayeen howlgalo ay ka wadaan keymaha Boni ee Jaziirada Lamu kuwaas oo ay sheegeen in lagu dilay boqolaal ka mid ah Mujaahidiinta, laguna nadiifiyey dhulka howdka ah ee dhaca xad-beenaadka Kenya iyo Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Police-ka ayaa tilmaamaya in howlgalada ciidamada military-ga iyo diyaaradahooda ay ka wadaan keymaha Boni ay sababtay kaliya in mujaahidiintu ay gudaha u sii galaan dalka Kenya, islamarkaana ay hadda weerarada u soo wareegeen wadooyinka hal bowlayaasha ah ee isku xira gobolada Lamu iyo Mombasa.

Joseph Kanyiri  oo ah agaasimaha ololaha ka socda keymaha Boni ayaa sheegay in Mujaahidiinta Al-Shabaab ay hadda isticmaalayaan wax uu ku sheegay dacayaat cusub taas oo uu sheegay in ay ku buun-buuninayaan howlgalka ay ka wadaan gobolka, kuna kasbanayaan quluubta dhalinyarada iyagoo ka dalbanaya in aysan la shaqeynin ciidamada Amaanka iyo hay’adaha dowlada.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ay qeybiyaan Cajalado iyo memory-yaal laga soo buuxiyey Aflaam, iyo kalimaad ay doonayaan in ay ku qanciyaan dhalinyarada Muslimiinta si ay ugu soo biiraan.

Dowladda Saliibiyada ah ee Kenya oo dadaal nooc kasta ah ku bixisay ka hortagga isfidinta mujaahidiinta ee gudaha Kenya ayaa hadda la nool marxalad cusub oo uu galay dagaalka ka dib markii mujaahidiintu ay ka soo gudbeen darbiyada lagu dhiriray xuduudaha, iyo duqeymihii cashwaa’iga ee keymaha, dhimiblaha dagaalkuna gaarsiiyeen Al-baabada Malindi iyo Tana River.

Continue Reading

Previous: Weerar Askar Lagu Dhaawacay Oo Ka Dhacay Duleedka Waajid.
Next: Diyaaradaha Yahuuda Oo Duqeeyay Jiida Gaza.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -26-05-1445 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -26-05-1445 Hijri.

December 10, 2023
Howlgal 5 Askari Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Xeebta Galgaduud.
  • Allposts
  • Warar

Howlgal 5 Askari Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Xeebta Galgaduud.

December 10, 2023
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -26-05-1445-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -26-05-1445-Hijri.

December 10, 2023

Sawirro

Daawo Mujaahidiinta Oo Gurmad Raashin Iyo Dawo Ah Gaarsiiyay Hargaysa Yareey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Mujaahidiinta Oo Gurmad Raashin Iyo Dawo Ah Gaarsiiyay Hargaysa Yareey.

November 28, 2023
Sawirro: Guddiga Maaraynta Fatahaadaha Mujaahidiinta Oo Raashin Qaybin Sameeyay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Guddiga Maaraynta Fatahaadaha Mujaahidiinta Oo Raashin Qaybin Sameeyay.

November 26, 2023
Sawirro: Mujaahidiinta Al-qaacidda Maali Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Al-qaacidda Maali Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.

November 25, 2023
Daawo Ciidamada Mujaahidiinta Oo Daad-guraynaya Dadka Fatahaaduhu Saameeyeen.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Ciidamada Mujaahidiinta Oo Daad-guraynaya Dadka Fatahaaduhu Saameeyeen.

November 23, 2023
Daawo Sawirrada Kulanka Wacyigelinta Fatahaadaha Oo Lagu Qabtay Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Kulanka Wacyigelinta Fatahaadaha Oo Lagu Qabtay Sh/hoose.

November 22, 2023
Daawo Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Mujaahidiinta Oo Daabulaya Boqollaal Qoysas Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Mujaahidiinta Oo Daabulaya Boqollaal Qoysas Ah.

November 20, 2023
Daawo Dedaallada Mujaahidiinta Iyo Ka Hortagga Fatahaadaha Wabiga Jubba.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Dedaallada Mujaahidiinta Iyo Ka Hortagga Fatahaadaha Wabiga Jubba.

November 17, 2023
Sawirro: Dadka Ka Barakacay Gaza Oo Xaalad Adag Ku Wajahaya Koonfurta Marinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dadka Ka Barakacay Gaza Oo Xaalad Adag Ku Wajahaya Koonfurta Marinka.

November 16, 2023
Baadari Kenyaan Ah Oo Ku Dhintay Shil Ka Dhacay Koonfurta Kenya.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Baadari Kenyaan Ah Oo Ku Dhintay Shil Ka Dhacay Koonfurta Kenya.

November 13, 2023
Daawo+Dhagayso: Falastiinigii Hurdada U Diiday Yahuudda Oo Ku Shahiiday Qudus.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo+Dhagayso: Falastiinigii Hurdada U Diiday Yahuudda Oo Ku Shahiiday Qudus.

November 6, 2023
Daawo Daadad Xooggan Oo Kusoo Rogmaday Gaalkacyo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Daadad Xooggan Oo Kusoo Rogmaday Gaalkacyo.

November 5, 2023
Daawo Yahuudda Oo Xasuuq Kale Ka Gaysatay Marinka Gaza.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Yahuudda Oo Xasuuq Kale Ka Gaysatay Marinka Gaza.

October 31, 2023
Daawo Sawirrada Dagaalladii Murtadiinta Khasaaraha Culus Lagu Gaarsiiyay Ee Jicibow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dagaalladii Murtadiinta Khasaaraha Culus Lagu Gaarsiiyay Ee Jicibow.

October 26, 2023
7 Qof Oo Ku Dhimatay Shil Ka Dhacay Koonfurta Maraykanka+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

7 Qof Oo Ku Dhimatay Shil Ka Dhacay Koonfurta Maraykanka+Sawirro.

October 24, 2023
Daawo Sawirrada Iyo Muuqaalka Duqaynta Diyaaradaha Maraykanku Ka Gaysteen Bu’aale.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Iyo Muuqaalka Duqaynta Diyaaradaha Maraykanku Ka Gaysteen Bu’aale.

October 24, 2023
Sawirro: Dibadbax Lagu Taageerayay Muslimiinta Falastiin Oo Ka Dhacay Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dibadbax Lagu Taageerayay Muslimiinta Falastiin Oo Ka Dhacay Buq-aqable.

October 22, 2023
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.