Akhriso Faahfaahin Laga Helayo Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Qarax culus oo dhawaaqiisa laga malqay xaafado badan oo ka mid ah magaaalada Muqdisho ayaa ka dhacay qeyb ka mid ah magaalada,iyadoona faahfaahin laga helayo qaraxa.

Qaraxan waxa uu sigaar ah kaga dhacay inta u dhaxaysa Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo isgoyska Ex Control Afgooye,waana qarax loo adeegsaday Miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago.

Qaraxa waxaa lala beegsaday kolanyo gaadiid ah oo ay la socdeen maleeshiyaatka dowlada Ridada,waxaana jirta khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo maleeshiyaatka dowlada lagu gaarsiiyay qaraxa.

Gaari Cabdi Bile ah oo qaraxa uu haleelay ayaa rogmaday waxaana baqti iyo dhaawac noqday maleeshiyaatkii dowlada Ridada ee la socday gaarigaasi ay Miinada haleeshay,iyadoona maleeshiyaat ka tirsan dowlada oo soo gaaray goobta qaraxa ay muddo xirteen wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa goobta qaraxa.

Mas’uuliyadda qaraxan khasaaraha culus lagu gaarsiiyay maamulka Farmaajo waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo mudooyinkii dambe sii kordhisay weerarada ka dhanka ah dowlada Farmaajo iyo kuwa Kufaarta soo duushay.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Mogadishu Somalia.

 

2 Comments
  1. Príñçè steven deck says

    Masha Allah guuul wacan

  2. Saacid says

    Alx guul

Comments are closed.