Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Sawirro
  • Muxaadarooyin
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Akhriso Faahfaahin Laga Helayo Weerar Askar Badan Lagu Laayay Oo Ka Dhacay Waqooy Bari Afghanistan.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Faahfaahin Laga Helayo Weerar Askar Badan Lagu Laayay Oo Ka Dhacay Waqooy Bari Afghanistan.

March 13, 2018

Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa weerar lagu laayey tobanaan ka tirsan ciidamada Kumaandooska ee murtadiinta maalin ka fuliyey gobolka Farah ee galbeedka dalka iyadoona waxyeello xoogan la gaarsiiyey gawaari uu watay cadowga.

Saraakiil u hadlay ciidamada xukuumada Kabul ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in dagaalyahanada Taliban ay kamiin u dhigeen kolonyo ciidamo ah oo isugu jira Kumaandoos iyo Police oo doonayey in ay weeraraan degmada lagu magacaabo Bala Buluk oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Mujaahidiinta.

Saraakiishu waxay sheegeen in weerarkaas lagu dilay 10 ka mid ah ciidamada Kumaandooska, 8 ka tirsan Police-ka, sidoo kalena nolosha lagu qabtay ugu yaraan saddex askari intii lagu gudajiray dagaalka.

Abaanduuleyaal u hadlay saraakiisha ciidamada murtadiinta waxay sheegeen in qasaaraha xoogan uu yimid ka dib markii la waayey gurmad degdeg ah oo xagga cirka ah kaas oo la sugayey in muddo ah. sidoo kale Saraakiishu waxay sheegeen inaan la helin gurmad dhanka dhulka ah oo ay la dalbadeen ciidamada Police-ka ee ka dhawaa goobta lagu dagaalamay.

Weerarkan lagu xasuuqay ciidamada Kumaandooska ee murtadiinta oo lagu tilmaamo kuwa ugu qalabka iyo tababarka fiican ciidamada Amaanka ee Kabul ayaa lagu tilmaamay midkii ugu qasaaraha badnaa ee waayadan ku habsada ciidamadan uu Mareykanku soo tababaray.

Todobaadkii la soo dhaafay sidan oo kale saddex askari ayaa looga dilay islan gobolka Farah oo ay maalmahan ka wadeen howlgalo ballaaran oo ka dhan ah deegaanada ay ka taliyaan Mujaahidiinta.

Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa war ay soo saartay ku sheegtay mas’uuliyada weerarka lagu xasuuqay murtadiinta, waxayna sheegtay in howlgal uu ahaa mid qorsheysan oo lagu beegsaday kolonyo ka tirsan cadowga.  War kooban oo uu ku saxiixnaa Sheikh Dabiixullaah Al-Mujaahid ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay, laguna dhaawacay 53 askari oo ka tirsan murtadiinta, laguna soo qabsaday ganiimo xoogan.

“Ciidamo ka tirsan cadowga oo yimid mandiqadda Taba Sadat ayaa la kulmay weerar xoogan, 53 askari ayaa dhismasho iyo ka noqotay, waxaana laga qabsaday agab military oo ay ku jiraan hubka iyo rasaas, qaar ayaa firxaday, qaarna gacanta ayaa lagu dhigay” ayuu yiri.

Barta Telegramka ee Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa sidoo kale faafisay muuqaal kooban oo la daawan karo ku dhawaad 2 daqiiqo oo lagu soo bandhigayo halka uu weerarku ka dhacay, Iyadoona muuqaalka lagu daawan karo raadadka ka muuqda halkii uu weerarku ka dhacay, baqtiga oo daadsan hareeraha wadada.

Amaanka gobolka Farah, gaar ahaan deegaanada uu cadowgu kaga sugan yahay gobolka waxay ku hoosjireen halis amni oo joogta ah ka dib markii mujaahidiintu kordhiyeen weerarada ka dhanka ah cadowga. Magaalada Farah oo caasimadda gobolka waxay tan iyo sanadkii 2016-kii ka mid ahayd magaalooyinka ugu badan ee ay qalqalka amni ku hayaan Mujaahidiinta.

Deegaanada ku xeeran magaaladaas waxaa gacanta ku haya ciidamada Mujaahidiinta, waxaana xilliyada qaar ay mujaahidiintu weeraro toos ah ku qaadaan xarumaha cadowga ee magaalada.

Maxamed Yoonis oo ah gudoomiye ku xigeenka gobolka Farah ayaa dhawaan TV maxali oo lagu magacaabo Tolo News u sheegay in ciidamada Amaanka ay ku guuldareysteen in mujaahidiinta laga fogeeyo caasimadda, Isagoo tilmaamay in muddo todobaadyo gudahood ah la dilay in ka badan 50 askari oo ka tirsan murtadiinta ka dib howlgalo ay Talliban ka fulisay deegaanadaasi.

Muuqaal video ah oo bishii Oct. ee sanadkii 2017 ay baahisay Imaarada Islaamiga Afghanistan, lagana soo qaaday gobolka Farah ayaa muujinayey boqolaal ciidamo mujaahidiin ah oo dhoola-tus military ku sameynayey deegaano u dhow caasimadda, iyagoo aanan ka walwalsaneen wax weeraro ah oo kaga yimaada cadowga.

Continue Reading

Previous: Dad Hor Leh Oo Lagu Dilay Duqeyman Ka Dhacay Guudhada Bari.
Next: Xog Laga Helayo Dagaallo Ka Kala Dhacay Duleedyada Kismaayo Iyo Xudur.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -28-4-1444 Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -28-4-1444 Hijri

November 22, 2022
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -28-4-1444 Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -28-4-1444 Hijri

November 22, 2022
Dagaal U Dhaxeeya Somaliland Iyo Puntland Oo Ka Dhacay Sool.
  • Allposts
  • Warar

Dagaal U Dhaxeeya Somaliland Iyo Puntland Oo Ka Dhacay Sool.

November 22, 2022

Sawirro

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.

November 21, 2022
Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.

November 17, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 16, 2022
Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 15, 2022
Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.

November 14, 2022
Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.

November 13, 2022
Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.

November 12, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 12, 2022
Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.

November 12, 2022
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.

November 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 10, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 9, 2022
Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 8, 2022
Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.

November 8, 2022
Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)

November 7, 2022
Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.

October 26, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.