Akhriso Inka Badan 80 Saraakiil Iyo Askar Ah Oo Lagu Dilay Degmada Afgooye.

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dowlada Ridada iyo kuwa Kufaarta kasoo gaartay Camaliyad Istish-haadiyo ah oo lagu weeraray saldhig ciidan oo ku yaala degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada hoose.

Saldhiga Weerarka Naf hurnimada ah lagu qaaday ayaa waxaa ku sugnaay maleeshiyaatka Murtadiinta ee ay tababartay dowlada daba dhilifka Imaaraatka Carabta,waxeyna maleeshiyaatka saldhigan lagu weeraray gurmad u ahaayeen ciidamada Kufaarta Afrikaanta iyo kuwa Murtadiinta ee laga qabsaday degmada Balcad ee gobalka Shabeelada dhexe.

Inta la xaqiijiyay Camaliyaddan Istish-haadiyada ah ee ka dhacday saldhiga ku yaala degmada Afgooye waxaa lagu dilay Inka badan (80)Sideetan isugu jirta saraakiil iyo askar oo ay ku jiraan saraakiil tababarayaal Ajaanib ah oo ka kooban Imaaraatka Carabta iyo Konfur Afrikan.

Gabi ahaan waxaa dhulka la simmay dhismaha saldhigii la weeraray,sidoo kale waxaa gudaha saldhiga ku gubtay Todobo gaari oo isugu jirta noocyada kala duwan ee dagaalka.

Dhanka kale wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye waxaa qarax culus lagula beegsaday gaari ciidan oo dhaawacyada askar iyo saraakiil kasoo qaaday saldhiga la weeraray ee degmada Afgooye,waxa uu qaraxan gabi ahaan burburiyay oo uu baabi’iyay gaariga iyo dhaawacyada askartii iyo saraakiishii Murtadiinta ee uu  u waday dhanka magaalada Muqdisho.

Calamada.com

1 Comment
  1. Sahal xiis says

    waa Allaah fadligiis, Allaah baa mahad oo dhan iska leh. waxaan Allaah ka baryayaa inuu mujaahidkii kaxaynayey gaarigaas lagu laayey murtadiinta uu Allah shahaadadiisa u aqbalo, Allahayaw shahaadada ka aqbal, dambigiisana u dhaaf, annagana gadaashiis hana lumin.

Comments are closed.