Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Sawirro
  • Muxaadarooyin
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Akhriso Sarkaal American Ah Oo Qiray In Mustaqbalka Dhaw Laga Adkaan Karin Mujaahidiinta Alshabaab.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Sarkaal American Ah Oo Qiray In Mustaqbalka Dhaw Laga Adkaan Karin Mujaahidiinta Alshabaab.

April 16, 2018

Tan iyo wixii ka dambeeyey weeraradii 11-kii Sept, waxay ciidamada Mareykanka si qarsoodi ah kaga howlgalayeen bariga Africa, iyagoo si gaar ah diiradda u saarayey Soomaaliya oo ay horay ugu jabeen horaantii sagaashameeyadii.

Waxay dowladan soo abaabushay duullaankii ciidamada Itoobiya ee 2006-dii, waxay taageertay ciidamada Kuffaarta Afrikaanta ee xigay, waxayna dalka ku soo daabushay boqolaal Saraakiil ah oo tababarada iyo talooyinka dagaalka ka caawiya murtadiinta iyo Afrikaanta, sida ay Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanku shaaca ka qaaday.

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyey wuxuu Mareykanku kordhiyay tirade ciidamadiisa jooga Soomaaliya, wuxuu tababaray Maleeshiyaat Murtadiin Soomaali ah oo loogu magadaray “Danab” kuwaas oo si toos ah u hoostaga military-ga Mareykanka iyo Maleeshiyaad kale loo yaqaano “Alpha Group” oo iyagana hoostaga CIA-da.

Maleeshiyaatkan ayaa ciidamada Mareykanka kala qeyb qaata howlgalada qarsoodiga ah iyo weerarada Ashahaada la dirirnimo ee ka dhanka ah Muslimiinta Soomaaliya. Waa Maleeshiyaat huwan hal ku dhegyada kooxda ridada Soomaaliya, Laakiin si toos ah kaga amar qaata taliska ciidamada Mareykanka ee Africa.

Balse inkastoo Mareykanku naf iyo maalba ku bixinayo dagaalka ka socda bariga Africa, diyaaradihiisa iyo Maraakiibtiisuna buux-dhaafiyeen biyaha iyo hawada Soomaaliya, ayaa hadana Saraakiisha Mareykanku waxay sheegayaan in weli aanan fara lagu heynin istaraatiijiyad toosan oo uu hiigsanayo dagaalka ay kaga jiraan Soomaaliya.

General Donald Booldak, oo madax ka ahaa howlgalada gaarka Mareykanka ee Africa, ayaa aaminsan in Olole dagaaleedka Mareykanka ee Soomaaliya uusan waxtar lahayn, Isagoona sheegay in Xarakada Al-Shabaab iyo Jamaacaadka Jihaadiga ee Africa aanan la loodin karin mustaqbalka dhow.

Isagoo Waraysi siinayay wargays Maraykan ah oo ka warama arimaha difaaca ayuu sheegay in aysan jirin Istaraatiijiyad fog oo uu hiigsanayo duullaanka Mareykanka taas oo keeneysa in howlgalku uu noqdo mid ujeedo la’aan ah.

“istaraatiijiyada uu hadda Mareykanka ku wajahayo Africa ma ahan mid lagu maquunin karo Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee ka howlgala Qaarada Africa. Marka laga hadlayo Bariga Afrikana hadda ayey sii xumaatay xasiloonida mandiqada” ayuu u sheegay wargayska.

“Ciidamada Maraykanku ma lahan qorshe fog oo ay hiigsanayaan si ugu dambeyntii loo helo xasilooni, mana awoodaan in ay sameeyaan wax ka baxsan howlgalada khaarijinta iyo afduubashada ah, waana taasi sababta keeneysa in wax ka badan 20 sano aan sii joogno Soomaaliya, Ciraaqna u joogno wax ka badan 15 sano, Afghanistan-na u joogno 17 sano, xalna sooma dhawa, Ciidamadeenu si heersare ayey u shaqeynayaan laakiin dadaalkooda ma hagaajin karo istaraatijiyada khaldan” ayuu hadalkiisa si raciyay.

Ciidamada Saliibiyiinta Maraykanka ayaa markii ugu horeysay duullaanka Soomaaliya kusoo qaaday dabayaaqada sanadkii 1992, xilligaas oo ay kumanaan ciidamo Ameerikaan ah kasoo degeen dekeda iyo garoonka Muqdisho, Balse dagaal adag oo ay kala hortageen bulashada Soomaaliyeed, kaalin lixaad lehna ay ku lahaayeen Mujaahidiintu ayaa ku qasbay inay dalka dib uga cararaan, kadib dagaalkii loogu magac-daray “Balaak Hook Dhaawn” ee lagu soo riday diyaaradaha dagaalka Maraykanka, warbaahinta caalamkana laga daawaday maydadka Askarta ciidamada Kumaandoosta Maraykanka oo wadooyinka Muqdisho lagu jiid-jiidayo.

Balse Maraykanka ayaanan intaas uga tegin Soomaaliya, waxaana wixii xilligaas ka dambeeyay uu bilaabay inuu dagaalka Saliibiga ah halkiisa kasii wado isagoo adeegsanaya calooshood-ushaqaystayaal Afrikaan ah iyo Maleeshiyaat Murtadiin ah.

War horaantii sanadkan kasoo baxay wasaaada Gaashaandhiga Maraykanka ayaa lagu sheegay in ilaa 500 oo ka tirsan ciidamada Maraykanka ay kusuganyihiin gudaha Soomaaliya, kuwaas tababaro, taakulo iyo talooyin u fidiya kuffaarta Afrikaanta iyo Maleeshiyada Murtadiinta, sidoo kalena ka qayb-qaata hawlgallada lagula dagaalamayo dadka u taagan hirgelinta Shareecada Islaamka.
Tirada Ciidamada Maraykanka ah ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa la aaminsanyahay inay aad uga badanyihiin shanta-boqol ee ay wasaarada gaashaandhigu sheegatay.

Balse General Booldaak, oo 13 sano kamid ahaa saraakiishii horboodaysay dagaalka Afghanistaan, in kabadan laba sanana hogaaminayay hawlgallada gaerka ah ee ciidanka Maraykanku ka fuliyaan Soomaaliya, ayaa aaminsan in siyaasada dawladiisa ee ku aasan Soomaaliya ay tahay mid fashil salka ku haysa.

Wuxuu ku taliyey in dowlada Mareykanka iyo waxa loogu yeero beesha caalamka looga baahan yahay in dib u eegis ku sameeyaan taageerada ay hadda siiyaan dowladaha Afrikaanta ah ee dagaalka kula jira Mujaahidiinta, Isagoona sheegay in istaraatiijiyada hadda lagu howlgalayo aysan ahayn mid mira-dhal ah, taasi badalkeedna ayba tahay mid taageereysa qorshayaasha Mujaahidiinta.

Continue Reading

Previous: Dhageyso Warbixinta Sanad Kadib Iyo Furashadii Magaalada Ceelbuur Qeybta 2-aad.
Next: Xiisad Ka Dhalatay Kufsi Loo Geystay Gabar 8 Jir Muslimad Ah Oo Ka Taagan Gobalka Kashmiir.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -28-4-1444 Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -28-4-1444 Hijri

November 22, 2022
Dagaal U Dhaxeeya Somaliland Iyo Puntland Oo Ka Dhacay Sool.
  • Allposts
  • Warar

Dagaal U Dhaxeeya Somaliland Iyo Puntland Oo Ka Dhacay Sool.

November 22, 2022
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -28-4-1444-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -28-4-1444-Hijri

November 22, 2022

Sawirro

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.

November 21, 2022
Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.

November 17, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 16, 2022
Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 15, 2022
Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.

November 14, 2022
Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.

November 13, 2022
Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.

November 12, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 12, 2022
Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.

November 12, 2022
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.

November 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 10, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 9, 2022
Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 8, 2022
Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.

November 8, 2022
Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)

November 7, 2022
Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.

October 26, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.