Akhriso+Dhageyso+Daawo Tarjumada Kalimada Sheekh Abuu Cubeydah Ee Ku Wajahan Mujaahidiinta Yemen.

Kalimaddan oo ah mid ku baxeysa luuqadda Carabiga, lana daawan karo muddo 22 daqiiqo ah ayuu Sheykh Axmad Cumar Abuu Cubeyda, Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kula hadlayaa Mujaahidiinta Al-Qaacida ee dhulka Jaziirada Carabta ee hortaagan duullaanada ballaaran ee lagu soo qaaday dalka Yemen.
Sheykh Abuu Cubeyda ayaa ugu horreyn kalimadiisa ku soo hadal qaadaya imtixaanka adag ee uu marayo Jihaadka Jaziirada carabta, iyo duullaanada ballaaran ee lagu hayo Mujaahidiinta ku sugan Yemen, wuxuuna tibaaxayaa in culeysyadaas ay ka mid yihiin sunanda ibtilada ee uu Allaah marsiiyo addoomadiisa mujaahidiinta iyo dadka wan-wanaagsan ee uu jecelyahay.
Isagoo soo xiganaya Aayado qur’aan ah, Axaadiith iyo nusuus sharci ah ayuu Sheykh Abuu Cubeydah tilmaamayaa in imtixaanku uu yahay sunno soo jireen ah oo ay marayaan dhammaan, wuxuuna Mujaahidiinta Jaziirada Carabta ku dhiiragelinayaa in ay sii wadaan Jihaadka iyo ribaadhka ay ku hortaagan yihiin cadowga Allaah, kuna sugnaadaan dhabaha xaqqa ah iyo yoolka uu hiigsanayo halgankooda oo ah in Allaah oo kaliya loo sugo cibaadada, dhulkana lagu soo celiyo xukunka shareecada Islaamka.

Sheykh Abuu Cubeydah ayaa Mujaahidiinta Jaiirada Carabta ugu baaqay in ay diiradda saaraan dagaalka xarbul Cisaabaadka ee ay ku dhiig bixinayaan ciidamada soo duullay iyo dabadhilifyadooda, isagoona xusay in dagaalkaas uu yahay mid faa’ido badan u leh Mujaahidiinta tirada yar ee dhulkaas ku hortaagan gaashaan buurta Saliibiyiinta iyo Rawaafidda ee qabsaday dhulkaasi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Amiirku talooyin dhowr ah u jeediyey ciidamada Mujaahidiinta ee ka halgamaya dhulka Yemen kuwaas oo uu ugu baaqay in ay adeecaan kuna kalsoonaadaan hogaankooda, sidoo kalena ka feejignaadaan Mukhadiliinta ah iyo kuwa warxumo tashiilka badan.

Sheykh Abuu Cubeyda, Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dhanka kale baaq u jeediyey qabaa’ilada sharafta leh ee ku nool dhulka xikmada iyo Iimaanka ee Yemen.

Dalka Yemen waxaa ku dhawaad muddo afar sano ah ka soconaya duullaano ballaaran oo lagu hayo Mujaahidiinta iyo Muslimiinta Ahlu Sunnaha kuwaas oo sii xoogeysteen dabayaaqadii sanadkii 2015, kolkaas oo dagaalka shareeca la dirirka ah ee Yemen ay si toos ah ugu soo biireen dowladaha Aala-Sacuud Iyo Iimaaraatka Carabta ka dib markii kumanaan ciidamo ah ay ku soo daabuleen dalka iyagoo ku gabanaya boorka la dagaalanka Xuuthiyiinta balse beegsanayey magaalooyinka ay maamulaan Mujaahidiinta Ansaaru Shareeca.
Dhanka kale diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa sii wada beegsiga ay ku hayaan hogaanka iyo ciidamada mujaahidiinta Jaziirada Carabta, kuwaas oo ay ku shahiideen qaar ka mid ah hogaamiyeyaashii Mujaahidiinta oo uu ku jiro amiirkii xakiimka ahaa Abuu Basiir Naasir Al-Wuxeyshi.

Halkan Ka Degso Kalimadda Amiirka.

Halkan Kala Bax Kalimadda Amiirka.

Halkan Ka Daawo Kalimadda Amiirka.

Halkan Ka Daawo Iyadoo Facebook ah.

Halkan Ka Doono Linkiyo Fara Badan Oo Kalimadda Ah.

Comments are closed.