Amiirul Mu’miniin Oo Soo Diray Tahniyad Ku Aadan Ciidul Adxaa.

ciidul-adxaaAmiirka Imaarada islaamiga ah ee Afghanistan Amiirul Mu’miniin Sheekh Mowlawi Heybatullaah Allaah ha dhowra ayaa Shacabka Muslimka ah ee reer Afghanistan iyo guud ahaan Muslimiinta Caalamka ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda barakeysan ee Al-Adxaa ee food nagu soo heysaa maalmo kooban gudahood.

Isagoo la halaya Mas’uuliyiinta Imaarada islaamiga ah ee Afghanistan ayaa waxa uu yiri Sheekhu : “ Mas’uuliyaddiinnu way sii cuslaatay, gobollada dalka badankoodna gacantiina ayay soo galeen, waxaa soo dhawaaday wakhtigii aan xaqiijin laheyn ahdaafta Jihaadkeenna, islamarkaana guran laheyn mirhiisa oo aan sugeynay 15-kii sano ee lasoo dhaafnay”.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay : “ hadafka ugu weyn ee Jihaadka waa in Shareecada islaamka la tad-biiqiyo, dadka loo cadaalad sameeyo, Amniga la sugo, Thuquurta la ilaaliyo, lana dhowro dadka naftooda, Maalkooda, iyo Cirdigooda”.

Sheekh Heybatullaah waxa uu ugu baaqay Mas’uuliyiinta Lajnada Caskariga, Wullaadda, Qudaadda ka shaqeynaya Maxkamadaha iyo maamulayaasha degmooyinka inay xoogga saaraan sidii Shareecada islaamka loogu maamuli lahaa deegaannada la xoreeyay, iyo sidii loo xaqiijin lahaa Amniga iyo Cadaaladda iyo sidii loo kobcin Waxbarashada diineed iyo tan Culuumta Mucaasarka ah.

Sidoo kale wuxuu Amiirku ku baaqay in horumarin lagu sameeyo adeegga guud ee bulshada, sida dhisidda Jidadka iyo buundooyinka, adeegga Caafimaadka iyo fayadhowrka iyo kobcinta beeraha iyo ganacsiga.

Amiirka Imaarada islaamiga ah ee Afghanistan ayaa si gaar ah ula dar daarmay Ciidamada Mujaahidiinta ee ribaadka kaga jira Thuquurta, wuxuuna faray Alle ka cabsi iyo inay la sabartamaan Cadowgooda, wuxuuna xasuuiyay in guusha iyo Nasriga in lagu helo sabar iyo adkeysi iyo in lagu sugnaado dariiqa Jihaadka.

Sheekhu waxa uu Mas’uuliyiinta Imaarada islaamiga ah ee Afghanistan uga digay inay iska ilaaliyaan ku tagri falista hantida Caamka ah, wuxuu aad ugu dar daarmay in la daryeelo qoysaska Shuhadada, wuxuu sidoo kale ku baaqay in la nadiifiyo Safka Ahlu Jihaadka, islamarkaana laga saaro Mufsidiinta,iyo kuwa dhaqanka xun ee sumcad xumeynaya Mujaahidiinta.

Amiirka Imaarada islaamiga ah ee Afganistan Sheekh Al-Mowlawi Heybatullaahi AKhan-zaadah waxa uu faray hogaamiye-yaasha iyo Ciidamada imaarada islaamiga ah ee Afghanistan inay xiriir wanaagsan iyo wada shaqeyn la yeeshaan Culimada, ducaadda iyo dadka Muslixiinta ah, ayna ka faa’ideystaan khibradaha iyo waaya aragnimada ay leeyihiin.

Comments are closed.