Askar American Ah Oo Lagu Dilay Bartamaha Dalka Afghanistan.

Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan waxey sheegayaan in weerar culus oo ka dhacay gobalka Aruzjan ee bartamaha dalkaasi lagu dilay askar American ah.

Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa weerar culus ku qaaday saldhigyo ciidamada Saliibiyiinta Mareykanka iyo kuwa maamulka daba dhilifka Kaabul ay ka sameysteen degmada Tiri-nekot oo ah magaalada xarunta u ah gobalka Aruzjan.

Inta la xaqiijiyay weerarkan waxaa lagu dilay Saddex askari oo American ah,sidoo kale waxaa weerarkan dhimasho iyo dhaawac ku noqday Kow iyo Toban isugu jirta saraakiisha iyo askarta maamulka daba dhilifka Kaabul.

Ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan ayaa weeraro culus la beegsada ciidamada Saliibiyiinta Mareykanka ee duulaanka ku jooga dalka Afghanistan.

Calamada.com

Comments are closed.