Askar American Ah Oo Lagu Weeraray Gobalka Helmand.

askar AmericanImaarada islaamiga ah ee Afghanistan ayaa sheegtay in Ciidamadeeda ay weerarar ballaaran ku qaadeen laba saldhig oo Ciidamada Dowladda Saliibiyada ee Mareykanka ay ku leeyihiin degmada Murjah ee ka tirsan Gobolka Helmand ee Koonfurta dalka Afghanistan.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitterka ee Afhayeenka Imaarada islaamiga ah Sheykh Dabiixullahi Mujaahid ayaa waxaa lagu sheegay in intii dagaalka uu socday ay Ciidamada Mujaahidiintu duqeyn xooggan ku garaaceen saldhigyada Cadowga, waxaana lasoo soo sheegayaa in khasaare xooggan uu weerarkaas kasoo gaaray Ciidamada Saliibiyiinta.

Sidoo kale Ciidamada Mujaahidiintu waxay dhulka soo dhigeen diyaarad nooca Helicopter-ka ah oo ay iska lahaayeen Cadowga, taas oo xilligii dagaalka uu socday isku dayaysay inay daad gureyso meydadka iyo dhaawacyada Askarta Saliibiyiinta ah ee ku waxyeeloobay howl-galkii ballaarnaa lagu qaaday saldhigyada Ciidamada Saliibiyiintu ay ku lahaayeen Mandiqadda Murjah ee Gobolka Helmand, iyadoona gebi ahaanba ay halaagsameen Askartii la socotay diyaaraddaasi lasoo riday.

Dhinaca kale Bayaan kasoo baxay Taliska Ciidamada Gaalada NATO ee dalka Afghanistan ayaa waxay ku qirteen qeyb ka mid ah khasaarihii xoogganaa ee kasoo gaaray weerarkii ay Ciidamada Mujaahidiinta ee Imaarada islaamiga ah ay ku qaadeen Saldhigyadooda Gobolka Helmand, waxaana Bayaankaas lagu sheegay in hal Askari uu ka dhintay, dhowr kalen ay dhaawacyo soo gaareen.

21-kii bishii December ee aan soo dhaafnay ayaa Ciidamada Saliibiyiinta ee Marekanka waxay la kulmeen Khasaarihii ugu xumaa ee mudooyinkii dambe kasoo gaara dalka Afghanistan, kadib markii walaal Istish-haadi ah oo Mujaahidiinta Daalibaan ka tirsanaa uu bartanka ka galay kolonyo ay la socdeen Ciidamadaasi oo marayay meel ku dhow saldhig Ciidan oo kuyaalla magaalada Qandahaar, waxaana weerarkaas uu sababay dhimashada inkabadan Labaatan Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Saliibiyiinta Mareykanka ee ku duuly dalkaasi.

Comments are closed.