Askar Burundeys Ah Oo Lagu Dilay Shabeelada Dhexe.

burundi askariWaxaa sii kordhaya khasaaraha ciidamada Kufaarta Burundi kasoo gaartay weerar dhabba gal ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka degmada Mahadaay ee gobalka Shabeelada dhexe.

Kolanyada kamiinka loo dhigay oo isugu jirta kolanyo Xamar ka baxday iyo konalyo ka raacday degmada Mahadaay ayaa doonayay iney soo jiitaan gaari gaashaaman oo Jimcihii looga gubay wadada isku xirta deegaanka Ceelbaraf iyo degmada Mahadaay.

Kamiinka ayaa ku bilowday qarax miino oo lala helay mid ka mid ah gaadiidka Kufaarta Afrikaanta’iyadoona markii dambe goobta uu ka dhacay kamiin isku badalay dagaal culus.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in kamiinkaasi lagu dilay ugu yaraan 6 askari oo Burundeys ah tiro kalane waa lagu dhaawacay.

Shisheeyaha ayaa si aad ah ugu dhib qaba isticmaalka wadada isku xirta deegaanada Biyo cadde,Ceelbaraf iyo degmada Mahadaay oo ka wada tirsan gobalka Shabeelada dhexe.

Calamada.com

Comments are closed.