Askar Dowlada Federaalka Looga Dilay Duleedka Degmada Baydhabo.

maleeshiyaatka Ridada8748Wararka ka imaanaya gobalka Baay gaar ahaan duleedka degmada Baydhabo ee xarunta gobalkaasi ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Goofgaduud Shabeelow iyo degmada Baydhabo.

Dagaalka oo labo jeer dhacay waxa uu dhexmaray ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka’iyadoona dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in dagaalkaasi lagu dilay Saddex askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Murtadiinta tiro kalane lagu dhaawacay dagaalkaasi.

Warar hoose ayaa sheegaya in askarta dowlada federaalka looga dilay dagaalka sidoo kale laga qaniimeystay hubkii ay ku dagaalamayeen.

Dagaalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada Shabaabul Mujaahidiin saacadihii lasoo dhaafay la wareegen deeganka Haluuqa oo hoostaga degmada Gaarisa ee dhulka Kenya xooga kaga heysata Somali.

Calamada.com

Comments are closed.