Askar Dowlada Federaalka Looga Kala Dilay Gobalada Shabeelooyinka.

maleeshiyaatka Ridada 8457Saacadihii lasoo dhaafay qarax iyo kamiin ka kala dhacay gobalada Shabeelada hoose iyo Shabeelada dhexe ayaa lagu kala dilay maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada federaalka.

Weerarka kowaad oo ah mid dhabbo gal ah waxa uu ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada hoose’waxaa weerarkaasi kamiinka ah lagu dilay afar askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka tiro kalane waa lagu dhaawacay.

Weerarka labaad oo loo adeegsaday qarax miino ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelada dhexe.

Miinada waxaa lagu aasay goob isbaaro u ah maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka oo xilliga qaraxana ay ku qayilayeen goobtaasi oo ah Buundada Sabuun ee looga baxa degmada marka la aadayo dhanka garoonka diyaaradaha Jowhar.

Wararkii ugu dambeeyay waxey xaqiijinayaan in qaraxaasi lagu dilay 3 askari laguna dhaawacay Lix kale oo gabi ahaantooda ah maleeshiyaatka dowlalada federaalka.

Howlgaladaan isugu jira qaraxyada iyo kamiinka waxaa fuliyay oo ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo mudooyinkii dambe sii kordhiyay weerarada ka dhanka ah kufaarta Afrikaanta iyo dowlada Ridada Federaalka.

Calamada.com

Comments are closed.