Askar Fara Badan Oo Dowlada Uganda Kaga Dhimatay Qarax Ka Dhacay Leego.

ugandaQarax culus oo ka dhacay deegaanka Leego ee gobalka Shabeelada hoose waxa uu sababay khasaara culus oo soo gaartay askarta Nasaarada Uganda iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.

Qaraxa waxaa loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago waxaa lala beegsaday askar Ugandeys ah oo kusii jeeday goob shalay qarax lagula beegsaday saraakiil ka tirsan dowlada Federaalka goobtaasi oo isla deegaanka ah.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in qaraxa labaad ee ka dhacay deegaanka Leego lagu dilay 11 askari oo Toban ka mid ah ay tahay askarta Uganda’iyadoona midka soo haray uu yahay askari ka tirsan dowlada federaalka.

Sidoo kale qaraxa labaad ee muddo 24-ka saac gudahood ah ka dhacay gudaha deegaanka Leego waxa uu sababay khasaara dhaawac ah iyo mid hantiyadeed oo soo gaartay shisheeyaha iyo maleeshiyaatka Somalida ah ee la shaqeeya.

Calamada.com

Comments are closed.