Askar Jabuutiyaan Ah Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday.

jabuuti-murtadiinWararka ka imaanaya degmada Buulo burte ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay gudaha degmadaasi uu ka dhacay shil gaari kaasi oo sababay khasaara nafeet.

Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari nooca Laaroobalka ah oo ay wateen ciidamada Ridada Jabuuti kaasi oo isgoo xowli ku socda ku rogmaday agagaarka Controolka Cigaal ee degmadaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in shilkaasi ay ku dhinteen saddex askari oo Jabuutiyaan ah’sidoo kale waxaa shilkaasi ku dhaawacmay 6 askari oo Jabuutiyaan ah.

Inta badan gaadiidka ciidamada Ridada Jabuuti iyo guud ahaan kuwa Kufaarta iyo Murtadiinta ayaa xowli ku socda sababo ku aadan cabsi ay ka qabaan in qaraxyo miino lala beegsada.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa si joogta ah dagaala iyo qaraxyo la beegsada gaadiidka dowlada Ridada federaalka iyo kuwa shisheeyaha kusoo duulay dalka Somali.

Calamada.com

Comments are closed.