Askar Ka Tirsan Dowlada Federaalka Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Qarax Miino.

Qarax miino4545Wararka ka imaanaya degmada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxey sheegayaan in duleedka degmadaasi qarax miino lagula beegsaday maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.

Miinada ayaa lagu aasay goob isbaaro u aheed maleeshiyaatka dowlada oo ku taala tuulo lagu magacaabo Gambarweyne oo qiyaastii 7km dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Beledweyne.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay iney qaraxaasi ku dhinteen Labo askari Saddex kalane ku dhaawacmeen oo gabi ahaantooda ah maleeshiyaat ka tirsan dowlada federaalka.

Labo maalin ka hor ayeey aheed markii qarax ka dhacay gudaha degmada Beledweyne lagu dilay saraakiil Itoobiyaan kuwaasi oo lasocday gaari Qooqan ah oo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin qarax miino ku burburiyeen.

Calamada.com

Comments are closed.