Askar Ka Tirsan Ciidamada Yugaandha Oo Lagu Dilay Koonfurta Soomaaliya.

Faahfaahinno dheeraad ah waxaa laga helayaa dagaal qaraar oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamo ka tirsan xarakada shabaabul Mujaahidiin ay ku qaadeen saldhig ciidan oo ciidamada dowladda Yugaandha ay ka samaysteen degmada Jannaale ee wilaayada Sh/hoose.

Dagaalkan waxay ciidamada Mujaahidiintu ku qaadeen saldhigga ciidamada dowladda Yugaandha ay ka deganyihiin degmada Jannaale waxaana gudaha saldhiggan uu marti galiyay weeraro saddex geesood ah oo kaga yimid dhanka ciidamada shabaabul Mujaahidiin.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in weerarka ciidamada shabaabul Mujaahidiin ay ku qaadeen saldhigga ciidamada Yugaandha ee Jannaale lagu dilay saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada dowaldda Yugaandha ee duullaanka ku jooga deegaanno ka tirsan wilaayada Sh/hoose.

Dhanka kale waxay ciidamada shabaabul Mujaahidiin weerar aad u culus ku qaadeen saldhigga ciidamada xabashida Itoobiya ay ka samaysteen garoonka diyaaradaha macmalka ee degmada Baardheere waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Howlgalladan ka kala dhacay Sh/hoose iyo Gedo waxay kusoo beegmayaan xilli maalmihii lasoo ciidamada shabaabul Mujaahidiin ay sare u qaadeen howlgalladooda jihaadiga ah ee ka dhanka ah shisheeyaha iyo ciidamada Soomaalida.

Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.

Calamada.com

Comments are closed.