Qarax culus oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aasa ee meelaha fog laga hago waxaa saaka gudaha degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho lagula beegsaday maleeshiyaat ka tirsan dowlada federaalka.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay xaafada Siisii ee degmada Dayniile’iyadoona miinada ay haleeshay gaari Kaarib ah oo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka la socdeen.
Goob jooga ka agdhawaa goobta qaraxa waxa uu warbaahinta u xaqiijiyay inuu arkay meydadka afar askari iyo dhaawaca labo kale.
Goobta qaraxa waxaa soo gaaray maleeshiyaatka Murtadiinta kuwa ka howlgala gudaha degmada Dayniile kuwaasi oo goobta ka qaaday meydadka iyo dhaawacyada askarta dowlada federaalka.
Maleeshiyaatkii dhaawacyada qaaday waxaa qarax labaad lagula beegsaday albaabka hore isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaala gudaha degmada Dayniile kaasi oo ay doonayeen iney dhaawacyada askarta dhigaan.
Si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka kasoo gaartay qaraxa labaad ee lagula beegsaday gudaha degmada Dayniile.
Qaraxyadan waxey kusoo aadayaa xilli habeenkii xalay isku day dil uu ka badbaaday murtadka lagu magacaaba Muxamed Xasan Nuur oo ah waziirka isboortiga iyo dhalinyarada dowlada Ridada federaalka kaasi oo qarax lagula beegsaday wadada Maka Al-mukaramah ee magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyadda qaraxyadaasi waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin’waxeyna qaraxyadaan imaanayaa xilli howlgalo dhowr ah oo maalmihii lasoo dhaafay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho lagu dilay saraakiil dhowr ah oo ka tirsan dowlada federaalka.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somali.