Askar Ka Tirsan Dowlada Federaalka Oo Gobalka Baay Lagu Dilay.

maleeshiyaatka Ridada8748Wararka ka imaanaya gobalka Baay waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka uu ka dhacay duleedka degmada Qansaxdheera ee gobalkaasi.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii maleeshiyaatka dowlada Federaalka oo doonayay iney dhac ka geystaan mid ka mid ah deegaanada dhaca duleedka degmada Qansaxdheera ay kasoo baxeen degmadaasi’balse waxaa qorshihii Murtadiinta fashiliyay oo weerar ku qaaday ciidamada Shabaabul Mujaahidiin.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in weerarkaasi lagu dilay labo askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Federaalka kuwaasi oo sidoo kale laga qaniimeystay labadii qori ee ay wateen.

Inta badan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ayaa shaqo maalmeed ka dhigtay dhaca baahsan ee waqti walba ay kula dhaqaaqaan dadka shacabka.

Calamada.com

Comments are closed.