Saacadihii lasoo dhaafay waxaa gudaha magaalada Muqdisho siyaabo kala duwan loogu kala dilay maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada federaalka kuwaasi oo dilalkooda ay geysteen rag hubeysan.
Dilka kowaad waxa uu ka dhacay xaafada Suuq Liif ee degmada Dharkenleey’waxeyna rag biskoolada ku hubeysan gudaha xaafada ku dileen askari ka tirsanaay maleeshiyaatka dowlada Ridada gaar ahaan kuwa ka howlgala saldhig Galbeed.
Ragga dilkan geystay waxey si nabad ah kaga baxsadeen goobta’iyadoona meydka askariga Murtadka ah meesha ay ka qaadeen maleeshiyaatka dowlada ee ka howlgala saldhig Galbeed ee degmada Dharkenleey.
Sidoo kale rag hubeysan waxey degmada Waabari ku dileen askari ka tirsan kuwa nabadsugida gaar ahaan qeybta loo yaqaana dhar cadka kaasi oo xilligii la dilayay ay u xirneed biskoolad’iyadoona ragga dilka geystay goobta si nabad ah ay kaga baxsadeen.
Dhanka kale weerar bambaano ayaa lagu qaaday isbaarada maleeshiyaatka dowlada federaalka ay dhigteen biya dega xaafada Suuqa xoolaha ee degmada Hilwaa mana la xaqiijin khasaaraha maleeshiyaatka dowlada kasoo gaartay bamkaasi.
Habeenadii lasoo dhaafay waxaa gudaha magaalada Muqdisho si xiriir ah kaga dhacayay dilal qorysheysan iyo weerara lala beegsanaya maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka’iyadoona mas’uuliyadda weeraradaasi ay sheegteen Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somali.