Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey habeenkii xalay weerar qorsheysan ku qaadeen mid ka mid ah isbaarooyinka maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ay dhigteen gobalka Shabeelada dhexe.
Weerarka waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Buurana oo qiyaastii 3km u jira degmada Mahadaay’iyadoona ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay beegsadeen isbaarada dowlada ee deegaankaasi.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in weerarka lagu dilay saddex askari oo Murtadiin ah islamarkaana lagu qaniimeystay labo qori oo ay wateen maleeshiyaatka goobta lagu dilay.
Sidoo kale wararka laga helayo deegaanka Buurane waxey sheegayaan in askari afaraad lagu dhaawacay weerarka’iyadoona isbaarada la weeraray ay caan ku aheed dhibaateynta dadka iyo gaadiidka safarka ah.
Calamada.com