Shan Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Meliteriga ee Dowladda daba dhilifka ee Maali ayaa geeriyooday, Afar kalena way dhaawacmeen, kadib markii qarax loo adeegsaday miino waddada dhinaceeda lagu aasay uu ka dhacay deegaan kuyaalla Waqooyiga Dalkaasi.
War kasoo baxay Taliska Ciidamada Dalka Maali ayaa waxay ku sheegeen in qaraxa lala eegtay gawaari kolonyo ah oo Ciidamada Meliteriga ka tirsan, xilli ay marayeen inta u dhaxeysa degmooyinka Ansungo iyo Andaylimiyaan, waxaana qaraxa uu haleelay mid ka mid ah gawaaridii gaashmaanaa ee Ciidamadu ay wateen.
Illaa iyo hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarkan qaraxa ah ee lagu laayay Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda daba dhilifka ee Dalka Maali, hase yeeshee Mujaahidiinta Xarakada Ansaaru Diin ee ka dagaallama Waqooyiga dalkaasi ayaa inta badan waxay sheegtaan mas’uuliyadda howl-gallada Meliteri iyo weerarradan ceykan oo kale ah ee lagu qaado Ciidamada Dowladda Maali iyo kuwa ka socda Dowladda Faransiiska ee dalkaasi xoogga ku jooga.
Mujaahidiinta Xarakada Ansaaru Diin iyo Mujaahidiinta Imaarada Saxaraha ee Al-Qaacidda ee Bilaadul Maghrib Al-islaami ayaa bilihii lasoo dhaafay kordhiyay weerarrada ay ka geystaan gobollada kuyaalla Waqooyiga Dalka Maali, iyadoona howl-galladii ugu dambeeyay ee ay qaadeen uu khasaare xooggan kasoo gaaray Ciidamada huwanta ah ee halkaasi ku sugan.
Sidoo kale Mujaahidiintu waxay howl-galladooda ku ballaariyeen Wadamada xuduudaha la wadaaga Dalka Maali, iyadoona dhowr maalmood ka hor ay sheegteen Mas’uuliyadda weerar Sawaariikh ah oo lagu qaaday Xarun ay leedahay Shirkad ka shaqeysa macdan qodista oo laga leeyahay Dalka Faransiiska, taas oo ku taalla Dalka Niger.