Askar Ka Tirsan Dowlada Oo Hubkooda Looga Qaatay Muqdisho.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiinta qeybtooda ka howlgala magaaladan Muqdisho waxey howlgal qorsheysan ku dileen maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada.

Askarta ka tirsan dowlada ee lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa gaaraya ilaa iyo Labo askari kuwaasi oo lagu kala dilay xaafada Baarwax ee degmada Howlwadaag iyo qeybo ka mid ah degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee dilay Labadan askari ayaa horay usii qaatay Labadii Qori ee ay ku hubeysnaayeen labada askari ee ay dileen,waxa uu dilka askartan kusoo aadayaa xilli dhawaan Sheekh Abuu Muscab afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab uu shaaca ka qaaday iney sii kordhiyeen weerarada ka dhanka ah Kufaarta iyo Murtadiinta ee ay ka fulinayaan gudaha magaalada Muqdisho.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Mogadishu, Somalia.

Comments are closed.