Askar Ka Tirsan Dowlada Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

Rag hubeysan waxey qeybo ka mid ah degmooyinka Dharkenley iyo Howlwadaag ee magaaladan Muqdisho ku dileen askar ka tirsan dowlada Ridada.

Askarta lagu dilay degmooyinkan ayaa gaaraya ilaa iyo Labo askar kuwaasi oo dilalkooda ay kasoo baxayaan faahfaahino dheeraad ah.

Askari Kowaad oo Boolis ahaa ayaa lagu dilay agagaarka Jaamacada Gaheyr ee degmada Dharkenley,waxeyna ragga hubeysan askarigan ka toogteen qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in isla goobta uu ku dhinta.

Askariga Labaad oo isagana Boolis ahaa ayaa lagu dilay agagaarka Isgoyska degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho,raggii hubeysnaay ee dilkan geystay ayaa goobta si nabad ah kaga dhaqaaqay.

Mas’uuliyadda Dilalkan loo geystay askarta ka tirsan Booliska waxaa Mas’uuliyadooda sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Mogadishu, Somalia.

Comments are closed.