Askar Kenyaati Oo Lagu Laayay Jaziirada Lamu Ee Dalka Kenya.

Kenya LamuSaacadihii lasoo dhaafay ciidamada Mujaahidiinta Alshabaab waxey weerar dhabagal ah u dhigeen ciidamo katirsan booliska Kenya oo ku socdaalayay deegaanka Milimani oo ka tirsan Jaziirada Lamu oo ah dhul dowlada Kenya xoog kaga heysata

Wararka ka imaanaya Lamu ayaa sheegaya in dagaal muddo saacada ah socday uu dhaxmaray ciidamada mujaahidiinta iyo kuwa Kenya,ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in dagaalka lagu dilay ugu yaraan 9 askari oo katirsan ciidanka Kenya iyo dhaawac gaaray tira kale.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in mujaahidiintu ay madaafiicda garbaha laga gemo la heleen laba gaari oo nuuca dagaalka ah kuwaasi oo goobta ku gubtay.

Howlgallada ciidamada shabaabul Mujaahidiin ee gudaha Kenya ayaa xoogaystay maalmihii lasoo dhaafay,dowladda Kenya ayaa maalma ka hor qiratay in weeraro gudaha ka dhacay askar iyo saraakiil looga dilay.

Comments are closed.