Askar Lagu Dhaawacay Duleedka Magaalada Kismaayo.

Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey dagaal culus ku qaadeen saldhig maleeshiyaatka maamulka Ashahaado la dirirka Axmed Madoobe ay ka sameysteen duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose.

Dagaalkan waxey ciidamada Mujaahidiinta ku qaadeen saldhiga maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka ay ka sameysteen deegaanka Cabdalle Biroole ee duleedka magaalada Kismaayo.

Dagaalkan waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,iyadoo dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay deegaano badan oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo.

Inta la xaqiijiyay dagaalkaasi waxaa lagu dhaawacay Labo askari oo ka tirsan maleeshiyaatka maamulka Murtad Axmed Madoobe kuwaasi oo la xaqiijiyay iney dhaawacyadooda culusyihiin.

Maalmihii lasoo dhaafay waxey ciidamada Shabaabul Mujaahidiin weeraro xiriir ah ku qaadeen saldhigyo iyo fariisimo maleeshiyaatka Murtadiinta iyo kuwa Saliibiyiinta Kenya ay ka sameysteen duleedka magaalada Kismaayo.

Calamada.com

Comments are closed.