Askar Lagu Dilay Degmada Wardhiigley Ee Magaalada Muqdisho.

Weerar loo adeegsaday qaraxyo ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah xaafada Xamar Jadiid ee degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho kaasi oo lala beegsaday maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada.

Dhawaaqa qaraxan waxaa laga maqlay inta badan xaafada Xamar Jadiid,iyadoona qaraxan uu sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaartay maleeshiyaatka dowlada.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay Labo Askari,hal askarina waa ku dhaawacmay kuwaasi oo gabi ahaantooda ah maleeshiyaatka maamulka Farmaajo.

Mas’uuliyadda qaraxan waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahdiin,waxa uu weerarkan imaanaya xilli maalmo ka hor Taliska ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab uu ku goodiyay iney sii kordhinayaan weerarada ka dhanka ah Kufaarta iyo Murtadiinta.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Mogadishu, Somalia.

Comments are closed.