Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey Weeraro kala duwan ka fuliyeen duleedka Magaalada Kismaayo.
Weerarka hore oo dagaal toos ah waxey Ciidamada Mujaahidiinta la beegsadeen Maleeshiyaat ka tirsan Maamulka Ashahaado la dirirka isku magacaabay Jubbo Land kuwaasi oo kasoo baxay deegaanka Cabdalle Biroole isla markaana Biyo Ka dhaansanayay Ceelka Tuulada Yaaq-bishaaro.
Weerarkan ayaa khasaara kala duwan lagu gaarsiiyay Maleeshiyaatka Murtadiinta waxaa inta la xaqiijiyay Murtadiinta laga dilay Saddex Askar waxaana laga dhaawacay Shan Askari kale.
Dhanka Kale Ciidamada Mujaahidiinta ayaa weerar qorsheysan la beegsaday Maleeshiyaat ka tirsan Maamulka Ashahaado la dirirka Jubbo land , Waxeyna Maleeshiyaatka la weeraray ka baxeen Deegaanka Baar-sanguuni iyagoona u gudbay Wabiga dhinaciisa kale si ay u dhibaateeyaan Beeraleyda iyo Xoola dhaqatada ku nool Wabiga Jinkiisa.
Maleeshiyaatka Murtadiinta ayaa weerar culus kala kulmay dhanka Ciidamada Mujaahidiinta, Waxaana Maleeshiyaatka Ridada laga dhaawacay Taliyihii Maleeshiyaatkaasi watay oo magaciisa lagu soo koobay Curdun kaasi oo ahaa Taliye Hurin ka tirsan Maleeshiyaatka Dowladda Federaalka, Sidoo kale tiro askar ah ayaa Murtadiinta dhimasho iyo dhaawac kaga noqotay Weerarkaasi.
Calamada.com