Askar Xuuthiyiin Ah Oo Lagu Dilay Konfurta Dalka Yemen.

Weerarkan oo ahaa mid dhabba gal ah ayay ciidamada Mujaahdiiinta Ansaaru Shareecah u dhigeen Kolanyo ka tirsan maleeshiyaatka Xuuthiyiinta ee duulaanka ku qabsaday deegaano ka tirsan dalka Yemen.

Kamiinkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay Mandiqada Mukayras oo ka tirsan gobalka Al-beydhaa,iyadoona weerarkan khasaara lagu gaarsiiyay maleeshiyaatka Shiicada ah ee Xuuthiyiinta.

Qoraal kooban oo Mujaahidiinta Ansaaru Shareecah ayaa lagu xaqiijiyeen in kamiinkaasi ay ku dileen Labo askari oo ka tirsan Xuuthiyiinta kuwaasi oo sidoo kale ay ka qaniimeysteen Labadii qore ee ay ku hubeysnaayeen.

Sidoo kale bayaanka Mujaahidiinta ayaa lagu xusay in weerarkan lagu gubay mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen kolanyada Xuuthiyiinta ee weerarka lala beegsaday.

Kamiinkan ka dhacay Wilaayada Al-beydhaa ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada Mujaahidiinta Al-qaacidah ee dhulka Jaziiratul Carab ay sii kordhiyeen weerarada ka dhanka ah maleeshiyaatka Xuuthiyiinta, kuwa Murtadiinta xukuumada Yemen iyo Isbaheysiga Carabta ee ay hogaamiyaan Sucuudiga iyo Imaaraatka, kuwaas oo gabi ahaantood ka mideysan dagaalka ashahaado la dirirka ah ee ka socda Wadankaasi Yemen

Comments are closed.