Wararka ka imaanaya degmada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay gudaha degmadaasi lagu dilay askari ka tirsanaay maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.
Dilka askarigan ayaa yimid kadib markii askari kale oo ka tirsan maleeshiyaatka Ridada uu rasaas ku furay’waxeyna goob-joogayaasha intaasi ku dareen in askariga dilka geystay isagana ay dhaawaceen maleeshiyaat ku beel ah askariga uu dilay.
Dhanka kale waxaa sii kordhaya khasaaraha nafeet iyo midka hantiyadeed ee uu sababay dagaal beeleed maalmihii lasoo dhaafay gudaha magaaladaasi ku dhexmarayay maleeshiyaat beeleedyo wada dega galbeedka magaalada Beledweyne.
Tobaneeya ruux ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaal beeleedyadaasi’iyadoona dadka magaalada wali ay muujinayaan cabsi ku aadan in markale maleeshiyaatku ku wada dagaalamaan gudaha iyo duleedka magaaladaasi.
Calamada.com