Saacadihii lasoo dhaafay waxaa gudaha degmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho lagu dilay askari ka tirsanaay maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka’iyadoona warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan dilka askariga.
Dilka askarigan waxa uu sigaar ah kaga dhacay qeybo ka mid ah xaafada Suuqa xoolaha ee degmada Hilwaa’iyadoona dilka ay geysteen rag biskoolada ku hubeysan.
Askariga la dilay ayaa ka tirsanay maleeshiyaatka dowlada Ridada ee sida gaarka ah kag howlgala isbaarada dowlada ee Biyo dega xaafada Suuqa xoolaha ee degmada Hilwaa.
Ragga hubeysan ayaa dilka kadib goobta si nabad ah kaga baxsaday’waxaana markii dambe meydka askariga goobta ka qaaday maleeshiyaatka dowlada ee ku sugan isbaarada biyo dega Suuqa xoolaha.
Maalmo ka hor ayeey aheed markii labo askari oo ka tirsan dowlada Ridada lagu dilay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somali.