Askari Ka Tirsan Dowlada Federaalka Oo Qorigii Uu Watay Muqdisho Looga Qaatay.

muqdishoHabeenkii xalay waxey ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin weerar qorsheysan ka fuliyeen gudaha magaalada Muqdisho’iyadoona warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan weerarka qorsheysan.

Rag ku hubeysan Biskoolada ayaa askari ka tirsanaay dowlada federaalka ku dilay inta u dhaxeysa Macmacaanka iyo Dabakaaya Madow ee degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho.

Ragga hubeysan ayaa sidoo kale horay u qaatay Qorigii uu watay askariga ay ku dileen gudaha degmada Dharkaneley waxeyna askariga dhowr xabadood kaga dhufteen qeybaha sare ee jirka.

Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ugaarsi xoogan ku haya saraakiisha iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somali.

Comments are closed.