Saacadihii lasoo dhaafay waxaa kasoo horjeedka Baar Jowhar oo ku yaala xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hilwaa lagu dilay askari ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka gaar ahaan kuwa isbaarada dhigtay Biyo dega xaafada Suuqa Xoolaha.
Rag ku hubeysan Biskoolada ayaa la xaqiijiyay in askariga ay dileen kuwaasi oo dilka kadib si nabad ah goobta kaga baxsaday’waxaana markii dambe meydka askariga goobta ka qaaday maleeshiyaatka dowlada federaalka.
Dhanka kale qarax bambaano ayaa habeenkii xalay lagu weeraray saldhiga maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ee degmada Kaaraan’iyadoona dhawaaqa qaraxa laga maqlay qeybo ka mid ah xaafadaha degmada Kaaraan.
Si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha maleeshiyaatka Ridada kasoo gaartay qaraxa bambaano maadaama weerarka uu dhacay xilli habeen ah.
Maalintii shalay ayeey aheed markii isku day dil uu ka badbaaday gudoomiyaha dowlada ridada federaalka ugu magacaaban degmada Boondheera’sidoo kale ku dhawaad 10 ka tirsan maleeshiyaatka dowlada federaalka ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax iyo weerar qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka kala dhacay degmooynka Boondheera iyo Yaaqshiid.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somali.