Askari Saddex Wiil Oo Walaala Ah Ku Dilay Degmada Kaaraan.

Wararka ka imaanaya halka ay iska galaan degmooyinka Kaaraan iyo Huriwaa ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in askari hubeysan uu dad ehel ah ku laayay.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in mid kamida ciidamada Booliska dowladda Federaalka uu sedax qof oo isku qoys ah ku dilay xaafadda Gummarreey ama Alcadaala kadibna uu goobta isaga baxsaday.

Askariga toogashada geystay ayaa mid mid udilay sedax wiil oo hal qoys kasoo wada jeeday, kuwaasi oo lagu kal magacaabo

 

1-Cabdillaahi Jayte.

2-Xuseyn Jeyte.

3-Xasan Jayte.

Dilkan ayaa kusoo aadaya xilli waddooyinka magaalada Muqdisho ay u xiranyihiin maleeshiyaadka loo yaqaan Xasilinta Caasimadda, ma ahan markii ugu horraysay oo ciidamada DF-ka ay dad shacab ah ku dilaan magaalada caasimadda ah.

Comments are closed.