Askarta Burundi Oo Lagu Weeraray Gobalka Shabeelada Dhexe.

Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelada dhexe waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah gobalkaasi uu ka dhacay weerar lala beegsaday ciidamada Kufaarta Burundi.

Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar qorsheysan ku qaaday kolanyo ka tirsan askarta Burundi oo ka baxday degmada Mahadaay kuna sii jeeday deegaanka Cali Fooldheere oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmadaasi.

Goob-joogayaal waxey xaqiijiyeen in askarta Burundi weerarkaasi lagu gaarsiiyay Khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed,waxa uu weerarkaan kusoo aadayaa xilli ciidamada Saliibiyiinta Burundi ee duulaanka ku joogta qeybo ka mid ah gobalka Shabeelada dhexe ay si joogta ah ula kulmaan dagaallo culus oo kaga yimaada dhanka Shabaabul Mujaahidiin.

Calamada.com

Comments are closed.