Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Sawirro
  • Muxaadarooyin
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Askarta Dowlada Federaalka Oo Dil Iyo Dhac U Geystay Barakacayaal Shuban Biyood Soo Ritay.
  • Allposts
  • Warar

Askarta Dowlada Federaalka Oo Dil Iyo Dhac U Geystay Barakacayaal Shuban Biyood Soo Ritay.

March 18, 2017

Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in maleeshiyaadka DF-ka ay weerar ku qaadeen deegaan 40 KM dhanka Koonfur galbeed uga beegan magaalada Baydhabo halkaasi oo lagu karaantiilo dadka uu soo rito cudurka shubanka.

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka xarunta caafimaadka Tuulada (hagarka) ayaa weerar hubeysan kala kulantay ciidamada dowladda Federaalka oo ka amba baxay magaalada Baydhabo.

Ciidamada ayaa rasaas oodda uga qaaday xarun caafimaad oo xilligaasi ay jiifeen tobaneeyo qof oo la ildaran cudurka shubanka, qof bukaan ah oo xilligaasi la jiifay cudurka shubanka ayaa ku dhintay weerarka halka laba dumarka ay dhaawacyo kasoo gaareen weerarkii ay ciidamadu ku qaadeen xarunta caafimaadka (hagarka).

Wararka ayaa intaasi ku daraya in maleeshiyaadka DF-ka ay deegaanka ka qafaasheen macalin dugsi qur’aan oo qudhiisa ay dhaawac ka gaarsiiyeen qeybaha hoose ee jirka.

Dadka deegaanka ayaa layaabay heerka ay gaarsiisantahay cadaawadda maleeshiyaadkan oo ay ka badbaadi waayeen dadka la dhibaataysan cudurka shubanka, waxgaradka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in tuulada (hagarka) ay xarakada Al Shabaab ka furtay isbitaal si KMG ah loogu karaantiilo dadka uu cudurka shubanka soo rito soo loo xakameeyo faafidda cudurkan dilaaga ah balse maleeshiyaadkan Itoobiya soo tababartay ay sii dhameystireen dadkii la dhibanaa diifta ka dhalatay abaaraha.

Dhinaca kale wararka laga helayo degmada Bardaale ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan oo taabacsan DF-ka ay weerar ku qaadeen deegaan xilligaasi gargaar loogu fidinayay dad la tabaalaysan abaaraha.

Tuuladaa Beled Xaawo oo qiyaastii 20 KM ujirta degmada Bardaale ayay maleeshiyaadku weerareen goob ay ku sugnaayeen dad barakacayaal ah.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in maleeshiyaadka DF-ka ay isku dayeen in ay boobaan gooba ganacsi iyo raashin xilligaasi loo qeybinayay dadka tabaalaysan balse waxaa gurmad ahaan ugaaray deegaanka Beled Xaawo ciidamo katirsan xarakada Al Shabaab kuwaasi oo markii dambe dagaal culus lagalay maleeshiyaadka maamulka Koonfur Galbeed ee Bardaale kasoo duullaan tagay.

Dad ku sugan gobollada Bay iyo Bakool ayaa sheegay in maleeshiyaadka Itoobiya soo tababartay ay wadaan olole ay ku carqaladaynayaan ugurmashada dadka abaaruhu saameeyeen balse Al Shabaab ayaa sheegtay in tallaab adag ay ka qaadi doonto dhinacyadaasi cadawga nolol diidka ah ee xasuuqaya dadka abaaruhu halakeeyeen.

Arrintan waxay calaamatu su’aal saaraysaa run ahaashiyaha sheegashada madaxda Dowladda Federaalka ee ah in ay gurmad u fidinayso dadka abaartu feenatay ee dalka Soomaaliya mar haddii ciidankeedii xasuuqayaan bukaanada cudurka shubanku soo ritay islamarkaana ay boobayaan raashinka loo qeybinayo Barakacayaasha.

Xigasho Somalimemo.net

Calamada.com

Continue Reading

Previous: Dhageyso Sheekh Abuu Muscab Cabdul Waduud Oo Bogaadiyay Midowga Jamaacaatka Jihaadiga Mandiqadda Saxaraha.
Next: Dagaal Iyo Kamiin Ka Dhacay Gobalka Shabeelada Hoose.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -28-4-1444 Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -28-4-1444 Hijri

November 22, 2022
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -28-4-1444 Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -28-4-1444 Hijri

November 22, 2022
Dagaal U Dhaxeeya Somaliland Iyo Puntland Oo Ka Dhacay Sool.
  • Allposts
  • Warar

Dagaal U Dhaxeeya Somaliland Iyo Puntland Oo Ka Dhacay Sool.

November 22, 2022

Sawirro

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.

November 21, 2022
Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.

November 17, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 16, 2022
Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 15, 2022
Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.

November 14, 2022
Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.

November 13, 2022
Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.

November 12, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 12, 2022
Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.

November 12, 2022
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.

November 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 10, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 9, 2022
Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 8, 2022
Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.

November 8, 2022
Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)

November 7, 2022
Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.

October 26, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.