Askarta Dowlada Federaalka Oo Lagu Weeraray Wadada Warshadaha.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa weerar lagu qaaday maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ee fariisinka ka sameystay agagaarka miizaanka Dhuxusha ee isgoyska xaafada Towfiiq oo ka tirsan degmada Yaaqshiid.

Weerarka waxaa loo adeegsaday Bamka nooca gacanta laga tuura taasi oo dhawaqa qaraxa ka dhashay bakmaasi laga maqlay xaafada fara badan oo ku teedsan wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha maleeshiyaatka dowlada kasoo gaartay weerarkaasi Bam’iyadoona la xaqiijiyay in Bamka bartamaha ka galay goobtii maleeshiyaatka dowlada ku qayilayeen.

Maleeshiyaatka dowlada ee lagu weeraray agagaarka isgoyska Towfiiq ayaa ah maleeshiyaat si aad ah u dhibaateeya dadka iyo gaadiidka isticmaala wadada Warshadaha oo ka mid ah waddooyinka ugu waaweyn oo ugu muhiimsan magaalada Muqdisho.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somalia.

1 Comment
  1. xaqaani says

    Asc

    Waxaa fiicnaan lahayd weriyaha layiraahdo Liibaan Jeexoow in uu joojiyo ereybixintiisa ah xarakada shabaab waxay sheegatay taas oo an ahayn erey ragga looguyeerikaro waayo waa erey loo isticmaalo haweenka lkn ragga markii lagahadlayo ama urur sharaf iyo awood lootirinayo loogumayeerikaro urur hebel ama dhaqdhaqaaq hebel waxay sheegtay arintaas waayo ceeb iyo facshar in looguyeero sidaas waxaana haboon in layiraahdo xarakada alshabaab waxay sheegteen waayo xarakadii oo dhan haddikale waxay u ekaaneysaa dumar jiljilicsan ama dad liito ama lagaroonayaal. Rag sharafkeh oo ladoonayo in lagahaybeysto oo waliba larabo in ay noqdaan kuwo lagudaydo ama wanaaga iyo shareecada islaamka matalaya sidee dumar loogumatlikaraa waa iga su’aal?

Comments are closed.