Askarta Dowlada Federaalka Oo Qof Shacab Ah Ku Dilay Sh/dhexe.

Wararka ka imaanaya degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelada dhexe waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaatka dowlada Ridada si bareer ah gudaha degmadaasi ugu dileen qof shacab ah.

Askari ka tirsan Murtadiinta ayaa si bareer ah rasaas ooda uga qaaday ruuxaasi shacabka ah taasi oo sababtay in qofka shacabka ah isla goobta ku geeriyooda.

Magaca ruuxa shacabka ah ee maleeshiyaatka dowlada ay ku dileen degmada Jowhar ayaa lagu magacaabi jiray Yaasiin Muxamed’iyadoona dilkaasi ay si aad ah uga naxeen bulshada ku dhaqan degmadaasi.

Dilkan ayaa imaanaya xilli saacadihii lasoo dhaafay sidoo kale maleeshiyaatka dowlada Ruux shacab ah oo darawal gaari ahaa ay ku dileen wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Calamada.com

Comments are closed.