Askarta Faransiiska Oo Lagu Weeraray Dalka Maali.

maali-safarWasaaadda difaaca ee Dowladda Faransiiska ayaa xaqiijisay in mid ka mid ah Askarteeda inuu ku dhintay Qarax lala beegsaday kolonyo gawaari ah oo ka tirsanaa Ciidamada Faransiiska, kuwaas oo marayay deegaan kuyaalla Waqooyiga Wadanka Maali.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda difaaca ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxa uu haleelay Ciidamo galbinayay kolonyo gawaari ah oo sahay siday, iyadoona qaraxa uu ka dhacay meel ku dhow deegaanka Kiidaal ee Waqooyiga bari ee dalkaasi.

“Qaraxa waxa uu sababay dhimashada Askariga lagu magacaabo Faabiyaan Jaak, waxaa sidoo kale dhaawac fudud uu soo gaaray Askari kale”. Sidaas waxaa lagu yiri Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda difaaca ee Dowladda Faransiiska.

Xarakada Ansaaru Diin ee ka dagaallanta dalka Maali ayaa sheegatay Mas’uuliyadda Weerarka khasaaraha dhaliyay ee lagu qaaday kolonyada gawaarida ah ee ay la socdeen Ciidamada Faransiiska, iyadoona tilmaantay in qaraxa uu ka dhacay meel qiyaastii 60 km kaga beegan magaalada Kiidaal.

Mujaahidiinta Ansaaru Diin waxay sidoo kale sheegteen mas’uuliyadda weerar kale oo dhacay Shantii bishan Safar, iyadoona laba Bam oo waddada dhinaceeda lagu aasay lagu qarxiyay laba gaari oo ay lahaayeen Ciidamada Faransiiska, kuwaas oo marayay deegaanka lagu magacaabo Waadii-Hajuus oo 40 km bariga kaga beegan magaalada Kiidaal ee dalka Maali.

Mujaahidiintu ma sheegin khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarkaasi, sidoo kale ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Saliibiyada ee Faransiiska, taas oo aan looga baran inay xaqiiqda ka sheegto khasaaraha dhimasho ee soo gaara Ciidankeeda ku sugan dalka Wadankaasi.

Xarakada Ansaaru Diin iyo Jamaacaatka kale ee Jihaadiga ah ee ka dagaallama dalka Maali ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay sii kordhiyay weerarada ay ku dhiig bixinayaan Ciidamada Afrikaanta ee ka socda gaalada Qaramada Midoobay iyo kuwa Faransiiska ee sannadkii 2012kii duullaan shareeco la dirir ah ku bur buriyay Maamulkii islaamiga ahaa ee ka talinayay gobollada kuyaalla Waqooyiga dalka Maali, waxaana weerarradii ugu dambeeyay khasaare lixaad leh uu kasoo gaaray Ciidamada Faransiiska iyo xulafadooda Afrikaanta ah.

Comments are closed.