Askarta Itoobiya Oo Isaga Cararay Degmada Ceel-cali Iyo Mujaahidiinta Oo La Wareegay.

Mujaahidiinta Alshabaab oo la wareegayWararka ka imaanaya degmada Ceel-cali ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in gabi ahaan ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya ay isaga carareen magaaladaasi.

Xabashida Itoobiya ee isaga cararay degmada Ceelcali ayaa maalintii shalay waxey gabi ahaan burburiyeen difaacyada ay sanad ka hor ka sameysteen degmadaasi.

Habeenkii xalay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey tiro madaafiic ah ku garaaceen hal dhismo oo ay isugu tageen askarta Xabashida Itoobiya taasi oo sabab looga dhigayo in gabi ahaan Xabashida saaka si deg deg ah isaga cararto degmadaasi Ceelcali.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta degmada’iyadoona lagu wado in saraakiisha Mujaahidiinta goob fagaara ah kala hadlaan shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Dhowrkii bilood askarta Xabashida Itoobiya waxey gabi ahaan isaga carareen degmooyinka Moqokori Galcad iyo deegaanka Budbud oo ka kala tirsan Gobalada Hiiraan iyo Galgaduud.

Calamada.com

1 Comment
  1. hassan says

    الله اكبر Alle ayaa ku mahadsan inta dhimanna Allaha ka xoreeyo
    Insha Allah wallahi waan farxay.

Comments are closed.