Wararka ka imaanaya gobalka Galgaduud ee bartamaha dalka Somali ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay weerar dhabba gal ah loo dhigay kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah gobalkaasi.
Kolanyada kamiinka loo dhigay ayaa kasoo baxay degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan kuwaasi oo sahay ciidan u waday degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud oo duulaan ay ku joogaan askarta Xabashida Itoobiya.
Si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha Kufaarta Xabashida Itoobiya kasoo gaartay weerarka dhabba galka ah maadaama kamiinka uu ka dhacay dhul howd ah.
Kamiinkan ayaa kusoo aadaya xilli todobaadyo ka hor dagaal khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed lagu gaarsiiyay askarta Kufaarta Xabashida Itoobiya uu ka dhacay duleedka degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud.
Calamada.com