Wararka ka imaanaya gobalka Galgaduud ee dhaca Bartamaha dalka Somali ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhafaay wadada xiriirisa Dhuusamareeb iyo Ceelbuur lagu weeraray kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya.
Weerarka ayaa isugu jira dagaal toos ah’Kamiin iyo qarax miino kuwaasi oo lala beegsaday kolanyo ka tirsan Xabashida Itoobiya oo kasoo baxay degmada Dhuusa mareeb kuna sii jeeda degmada Ceelbuur.
Barqo nimadii maanta ayaa qarax iyo kamiin waxaa Xabashida Itoobiya lagula beegsaday wadadaasi gaar ahaan agagaarka deegaanka Shabaax’iyadoona gaari Cabdi Bile ah qarax miino Xabashida Itoobiya Looga gubay.
Sidoo kale weeraradaasi waxaa baqti iyo dhaawac ku noqday tiro askar ah oo ka tirsan Xabashida Itoobiya kuwaasi oo maalintii labaad ku socdaalayay wadada isku xirta Dhuusamareeb iyo Ceelbuur.
Habeenkii xalay ayeey aheed markii dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo kuwa Xabashida Kufaarta Itoobiya uu ka dhacay deegaanka Ceel-lahelay oo ka mid ah deegaanada dhaca wadada isku xirta Ceelbuur iyo Dhuusamareeb.
Calamada.com