Askarta Jabuuti Oo Lagu Weeraray Gobalka Hiiraan.

Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar culus ku qaadeen fariisimo ciidamada dowlada Ridada Jabuuti ay ka sameysteen degmada Buulo burte ee gobalka Hiiraan.

Dagaalkan waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,waxeyna ciidamada Mujaahidiinta sigaar ah u weerareen saldhig iyo fariisin askarta Jabuuti ay ka sameysteen dhanka Galbeed ee degmadaasi.

Goob-joogayaal ayaa xaqiijiyay in la arkay Holac ka baxayo Teendhooyin ciidamada Jabuuti ugu dhex yaalay saldhiga lagu weeraray taasi oo muujineysa in ciidamada Ridada Jabuuti khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed lagu gaarsiiyay dagaalka xalay ka dhacay degmada Buulo burte.

Degmooyinka Beledweyne,Buulo burte iyo Jalalaqsi oo ka wada tirsan gobalka Hiiraan waxaa duulaan ku jooga ciidamada Murtadiinta Jabuuti oo qeyb ka ah Cadowga Allaah ee kusoo duulay dalka Somalia.

Calamada.com

Comments are closed.